Faarax M. Maxamed
Tuesday, November 04, 2008
Muddo laba sano ah ayaa loolanka jagada madaxweynaha Maraykanka lagu jirey. Inkasta oo dad aad u fara badan oo madow, caddaan iyo jinsiyada kaleba ka koobani aanay aaminsanayn in nin madow dadka (gaar ahaan caddaanka) aanay waqtigan u diyaar ahayn oo midabkiisa lagu takoorayo; markii Barack Obama xisbiga Dimoqraadigu doortay waxa ay noqotay arrin qof kasta oo midabkiisu aanu caddaan ahayn rajo gelisay.
Maanta oo ay bisha Nofember 4 tahay (2008) waxa Maraykanka oo dhan ka bilowday doorashadii lagu dooran lahaa Madaxweynaha 4ta sano ee soo socota. Dad badan oo "madaxweyne" Barack Obama taageersanaa hurdadii ayaa ku yaraatay ayaamahan dambe, ha ugu sii daraato 24kii saacadood ee la soo dhaafay. Waxa kale oo aan ogaaday in dadka Maraykanka jooga keliya aan hurdadu ku yaraan ee taageerayaashiisa adduunka oo dhammi sidoo kale dareemayeen. Waxaa saaka hiirtii waaberi igu soo kallahay walaalahay iyo saaxiibaday oo kala jooga Yurub iyo Jasiiradda Carabta si ay ii xasuusiyaan in aan hurdada ka kaco oo foodo. Waxaan ugu jawaabey haddaan seexdaba aan kici waayo!
Waxaan codkaygii saaka ka dhiibtay iskuul ku yaalla Alexandria, Virginia. Aniga oo is lahaa cidi kaama horayso ayaan waxa aan iskuulkii tegay 6:30am (6dii iyio badhkii subaxnimo). Markii aan iskuulkii gaadhay waxa iga yaabiyey dadka tirada badan ee safka dheer ku jira. Doorashadu waxa ay bilaabanaysay 7da subaxnimo. Aniga oo yaaban ayaan nin shaqaalihii doorashada ka mid ahaa weydiiyey goorta waxan oo dad ahi ay yimaadeen. Waxa uu ii sheegay in uu 3:00am (saddexdii habeenimo) yimi oo uu la kulmay dad mar horeba safka sii galay.
Ilaa iyo maalintii ay ii suurto gashay in aan doorashooyinka Maraykanka codkayga ka dhiibto, marna ma arag dad intaas tiro le'eg oo doorasho ka qayb gelaya. Dadka safka ku jiray waxa ay u badnaayeen dad aan Maraykanka midabkoodu cad yahay ahayn. Waxa ay u badnaayeen qoomiyado fara badan oo kala duwan. Waxa kale oo aan kula kulmay ilaa iyo dhowr iyo toban Soomaali ah oo codkooda dhiibanayey. Inkasta oo xoogaa qabow ahi jirey oo aan arkay dad badan oo aan dhaxanta ku soo talo gelin, haddana waxa qof kasta wejigiisa ka muuqatay yididiilo iyo farxad.
Inkasta oo dadka reer Virginia ay weligooba u codayn jireen xibiga Jamhuuriga (Republican), maanta waxa aan ku rajo weynahay in dadka reer Virginia aqlibiyad ugu codeeyaan Barack Obama. Waxa ay igu qaadatay in ka badan 2ba saacadood in aan madasha cod-bixinta gaadho. Waxa aan u codeeyey Sen. Barack Obama.
Barack Obama codkayga uma siin in uu yahay nin madow. Waayo dhowr nin oo madow ayaa hadda ka hor madaxweyne nimo u orday oo midna codkayga ma siin. Sababta dad badan oo caddaan, madow iyo huruudba ah ay codkiisa u siinayaan uguna rajo weyn yihiin waxa ay isugu soo ururaysaa dhowrn arrimood:
1) Waa nin aad u deggan 2) caqli badan, 3) aqoon badan, 4) aragti dheer 5) asluub wacan, 6) dagaal iyo xasaradna neceb.
Maanta waa maalin weyn oo shacbiga Maraykanku ay kala dooranayaan, dagaal iyo nabad, degdeg iyo degganaan, dulqaad iyo dawdarnimo, iyo ugu dambayntii aayo wacan iyo ayaan darro.
Faarax M. Maxamed
Alexandria, Virginia