Kooxo hubeysan oo xalay Nin Rayid ah ku dilay Magaalada Jowhar, xili uu magaaladaas ku sugan yahay Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, November 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay nin rayid ah ku dileen gudaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo rasaastii ninkaas lagu dilay uu ku dhaawacmay nin kale.

Labo nin oo hubeysan ayaa la sheegay in ay ninkaas ku dileen meel maqaaxi ah oo uu ku sugnaa, iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo haatan sababtii keentay in ninkaas la dilo. Dad ka dhawaa halka ninka lagu dilay ayaa sheegay in ay kooxihii dilka geystay baxsadeen.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee ku saabsan dilka ninkaas waxay intaas ku darayaan in halka dilka ka dhacay ay aad ugu dhaweyd Hotel uu magaaladaas ka degan yahay Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Shiikh Shariif Axmed, kaasi oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa Magaalada Jowhar.

Sarkaal u hadlay maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Jowhar ayaa wuxuu sheegay in ay baaris ku hayaan kooxihii ka dambeeyay dilkaas, wuxuuna rajeeyay inay soo heli doonaan dadkii dilkaas geystay.

Wuxuu ahaa dilkii ugu horeeyay oo muddo bilooyin ah ka dhaca magaalada Jowhar, weliba xili uu gacan ku heynta Gobolka Shabeelaha Dhexe la wareegay maamul Islaami ah oo hoos-taga Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia