Talaado, November 04, 2008(HOL): Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Isbaheysigaas Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.
Wafdigan oo ay Xubno ka yihiin Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Col. Cumar Xaashi Aadan, Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno kale oo Isbaheysiga ka tirsan ayaa waxay ka soo kicitimeen Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maalmihii aynu ka soo gudubnay.
Wafdigan oo ay Garoonka Diyaaradaha uga hortageen Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Mocow iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la dejiyay Hotelka Madiina ee Magaalada Beledweyne.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Wafdigan ay kulamo la qaataan Waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada Gobolka Hiiraan, isla markaana ay u sharaxayaan heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka ee ay qodobadiisa ka midka ahaayeen in Ciidamada Itoobiya laga saaro Dalka Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Beledweyne gaaray iyo cidda ay la kulmaan iyo hadallada ay jeediyaan kala soco halkan haddii Alle idmo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia