SHIIKH NUUR BAARUUD: “Annaga dhinac ma raacsanin, haddii aan cid raacsanahayna wax maba dhexdhexaadin karno”

Cabirka Farta

Talaado, November 04, 2008(HOL): Afhayeenka Culumaa’udiin u istaagay in uu wax ka qabto khilaafka soo kala dhexgalay madaxdii Maxkamadaha Islaamka ayaa beeniyay warar horay u soo baxay oo sheegayay in ay la safan yihiin Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Jibouti, isla markaana ay dhowr jeer safarro la galeen Isbaheysigaas.

Shiikh Nuur Baaruud, waxaa uu sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo aan sal lahayn, wuxuuna caddeeyay in haddii aysan dhexdhexaad ahayn aysan ku dhawaaqi lahayn in ay dhinacyada is-haya dhexdhexaadinayaan.

“Annaga dhinac ma raacsanin, haddii aan cid raacsanahayna wax maba dhexdhexaadin karno” Shiikh Nuu Baaruud Gurxan oo sheegay in aysan ujeeddo gaar ah ka lahayn shirka ay ku baaqeen ee ay ku dhexdhexaadinayaan dhinacyada is-khilaafay ee Maxkamadaha Islaamka.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu sheegay in ay go’aankan dhexdhexaadinta ah qaateen kadib markii ay daraaseeyeen xaaladda adag ee uu dalka ku jiro, wuxuuna xusay in ay rajeynayaan in doorkooda dhexdhexaadinta ah la aqbali doono.

Shiikh Nuur Baaruud oo Shir Jaraa’id ku qabtay qadka Taleefoonka ayaa wuxuu sheegay in ay doonayaan  in xal loo helo khilaafka u dhaxeeya madaxda Midowgii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna ku cel celiyay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in aysan dhexdhexaad ahayn.

Waxaa uu sheegay in Wafdi ka socda Culumaa’udiinkooda dhexdhexaadinta sameynaya ay socdaallo ku soo kala bixiyeen Degmooyin badan oo ka tirsan Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ujeedka socdaalka wafdigaas ku sheegay sixitaanka ciladaha soo kala dhexgalay maxkamadaha Islaamka iyo sidii loo mideyn lahaa, isagoo caddeeyay in waxgarad iyo culumaa’udiin ay Degmooyinkaas kula soo kulmeen ay soo dhaweeyeen shirweynaha ay qabanayaan.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Nuur Baaruud Gurxan waxaa uu sheegay in Culumaa’udiinka Dhexdhexaadinta wada ay ka mid yihiin  Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley, Shiikh Cumar Garweyne, Shiikh Macallin Salaad, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Shiikh Cusmaan Ibraahim, Shiikh Nuur Cali Jaamac, Shiikh Axmed Iimaan, Shiikh Cali Warsame, Shariif C/Nuur, Shiikh Maxamed Nuur Qawi, Shiikh Maxamuud Ciise, Shiikh Abuu Bakar Shiikh C/raxiin iyo kuwo kale oo badan oo qaarkood iyagoo dibada jira wakaalado soo dhiibteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia