Talaado, November 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada Baydhabo ku dileen Guddoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Gobolka Bay oo lagu magacaabi jiray Maryan Aadan.
Haweeneydan la dilay ayaa la sheegay in Ururkaas ay sanad ka hor isaga tagtay, isla markaana ay dhawaanahan ahayd qof aan wax xil ah heynin oo caruurteeda oo uu Aabahood ka geeriyooday u xoogsata.
Dilka Haweeneydan waxaa si weyn uga xumaaday oo cambaareeyay dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo, Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bay iyo Ururka Haweenka Gobolka, waxayna sheegeen in dilka loo geystay haweeneydaas uu ahaa mid xaq-darro ah.
Taliyaha Booliska Gobolka Bay Cabdi Macallin Axmed oo dilka Haweeneydan ka hadlay ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in la dilo qof haweeney ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay in dilalka ka dhaca Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo ujeeddo gaar ah laga leeyahay, wuxuuna cambaareeyay kooxihii dilay haweeneydaas.
Sidoo kalena, waxaa dilka Haweeneydaas ka hadashay Malyuun Maxamed Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bay, waxayna sheegtay in marxuumadda ay sanad ka hor isaga tagtay shaqada Ururka, isla markaana ay ahayd qof xoogsata oo Bakhaar ku lahayd Magaalada Baydhabo.
“Markii la dilayay waxay ka soo tagtay shaqadeeda, bakhaarkeeda ayay soo xiratay, waxayna dadkii ay wada ganacsanayeen ee ay isu dhawaayeen ay u sheegtay in magaalada xaalkeeda uusan caadi ahayn sidaas darteedna ay dhaqsi u hoydaan”ayay tiri Malyuun Maxamed Ibraahim oo sheegtay in ay si weyn uga xumaadeen dilka loo geystay Guddoomiyihii hore ee Haweenka Gobolka Bay.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegtay sababta haweeneydaas loo dilay, marka laga reebo in ay mar ka qeybgashay shirkii Dib u heshiisiinta ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii hore ku qabatay Magaalada Muqdisho, kaasi oo dad badan oo ka qeybgalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia