Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo waxqabad la’aan ku dhaliilay Ciidamada Degmadaas

Cabirka Farta

Talaado, November 04, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladaas ayaa wuxuu dhaliilay Ciidamada Ammaanka Gobolka Bay, gaar ahaan kuwa Degmada Baydhabo.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in aysan Ciidamada xil weyn iska saarin sugidda ammaanka Magaalada Baydhabo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in sii kororka amni darrada ay dhiirigeliyaan Ciidamada Booliska oo uu xusay in aysan ammaanka si hagaagsan u sugin, isla markaana aysan roondooyin ka sameynin magaalada.

Iyadoo uu Guddoomiyaha dhaliishan u jeediyay Ciidamada Ammaanka Gobolka Bay, gaar ahaan kuwa Baydhabo ayuu hadana dhinaca kale sheegay in aysan Ciidamada helin xuquuqdii ay lahaayeen, gaar ahaan mushaarkooda, wuxuuna caddeeyay in mushaarkaas laga doonayo inay bixiyaan madaxda sare ee Dowladda oo uu ka xusay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Biikole ayaa wuxuu shirkan jaraa’id qabtay isagoo qaba dhaawacyo ka soo gaaray qarax maalmo ka hor lagula beegsaday gudaha Magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen 3 ka mid ah ilaaladiisii gaarka ahaa.

Mar uu ka hadlayay ciddii qaraxaas la beegsatay waxaa uu sheegay in ay Adduunka ama Aakhiro midood ku xisaabtami doonaan, wuxuuna ku tilmaamay dadkii qaraxaas ka dambeeyay kuwo sida uu hadalka u dhigay fulay-yaal ah oo sheegan waayay in ay qaraxaas ka dambeeyeen.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay gudaha Magaaladaas lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Gobolka Bay Maryan Aadan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia