Madaxweynaha Somaliland oo ka noqday cafis iyo xukun-khafiifin uu hore ugu fidiyay Maxaabiis xiran (Magacyada Maxaabiista)

Cabirka Farta

Talaado, November 04, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu ka noqday cafis iyo khafiifin Xukun oo uu hore ugu fidiyay Maxaabiis u xukunnaa falal Argagixiso oo bishii September 2005 iyo 2004 qaarkoodna fashilmeen, qaar ka mid ahina fuleen. Kuwaas oo uu hore u fidiyay.

Maxaabiistan oo ay hore Xukuumadda Somaliland ugu xukuntay Dil iyo Xabsi-daa’in ayaa Madaxweyne Rayaale u fidiyay cafiska iyo khafiifinta, isaga oo Xukunnadii Dilka ahaa ugu bedelay Xabsi-daa’in. Maxaabiistan ayaa laga qabqabtay Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera ayaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay Xukunnadan ku ridday 10-kii December 2006.

Madaxweyne Rayaale ayaa 31-kii bishii May 2007 cafiska iyo khafiifinta u fidiyay Maxaabistan oo laba ka mid ahi ay ku xukunnaayeen Dil, kaas oo lagu soo saaray Digreeto Madaxweyne. Digreetada M/weyne ee Madaxweynuhu waqtigaa soo saaray, isla markaana uu cafiska uu hadda ka noqday ku fidiyay ayaa u dhignayd sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo cuskanaya qodobka 90-naad ee Dastuurka Somaliland, faqraddiisa 5aad iyo qodobka 149-naad ee Xeerka Ciqaabta guud waxa uu cafis uu garwaaqsaday ku xarday;
-In la joojiyo labadii Xukun ee dilka ahaa, looguna bedelo dadkii ku xukunnaa 20-sanno oo xadhig ah.

1-Maxamed Cali Ciise
2-Jaamac Cabdi Ismaaciil (Kuutiye)

-In Shantii qof ee Xabsi-daa’inka ku xukunnaa loogu bedelo 15 sanno oo xadhig ah.

1-Axmed Cali Samatar
2-Cali Muuse Maxamuud
3-Daa’uud Saalax Iidle
4- Cali Maxamed Cawaale iyo
5-Farxaan Cabdulle Maxamuud

-In labadii qof ee min 20-ka sanno ee xadhigga ahaa ku xukunnaa, loogu bedelo 10-sanno oo xadhig ah.

1-Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac
2-Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf

-In saddexdii qof ee min saddex iyo tobanka sanno (13) ee xadhigga ahaa ku xukunaa loogu bedelo 6 sanno oo xadhig ah.

1-Maxamed Cabdi Xaamud (Jacfar)
2-Yaasiin Khaalid Cismaan
3-Yaxye Cabdiraxmaan Cali

-In laba qof oo 12-sanno oo xadhig ah ku xukunaa loogu bedelo 5 sanno oo xadhig ah.

1-Muuse Cali Yuusuf
2-Maxamed Sh. Ismaaciil Xasan.

-In saddexdii qof ee falkoodu ugu fududaa marka loo eego qaybtay ka qaateen dembigii dhacay la saamaxo.

1-Maxamed Ibraahim Axmed (Laba-qumac)
2-Axmed Cali Xuseen (Axmed-Keyse)
3-Cabdilaahi Maxamed Axmed (Cabdilaahi-Gaab)

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland