Kooxo hubeysan oo xalay Maxaabiis ka sii deysay Xabisga Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Talaado, November 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay waxaa ay xoog ku galeen Xabsiga Magaalada Beledweyne halkaa oo ay ka sii daayeen qaar ka mid ah Maxaabiistii ku jirtay sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Saarkiisha Maxkamadaha Islaamiga oo xiligaas ku sugnaa Xabsiga.
 
Sii deyta Maxaabiista ayaa timid kadib markii koox sida la sheegay ka tirsan Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga Xabsiga ka sii daayeen Nin ka tirsaa kooxo dhawaan dil ka geystay Magaalada Beledweyne oo maalmihii ugu danbeeyay ku jiray gacanta Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga.
 
Kooxaha hubeysan ee xalay galay Xabsiga Magaalada Beledweyne ayay wararku sheegayaan in ay si weyn uga xumaadeen falka lagu sii daayay eedeysanaha, taasoo keentay in iyaguna ay fasaxaan qaar ka mid ah Maxaabiistii Xabsiga ku jirtay.
 
Dhinaca kale isla habeenimadii xalay ayaa Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamigu waxaa ay weerar ku qaadeen Gaari sida wararku sheegaan sida Hub iyo Saanad Ciidan kaasoo oo ku sii jeeday dhinaca Goballada dhexe, inkastoo warar mar danbe soo baxay ay sheegayaan in Gaarigaasi ay wateen Ciidamo ka tirsan dhaq dhaqaaq Diimeedka ka jira dalka..
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga xumaaday markii ay maqleen warka ku saabsan in Xabsiga laga sii dayay eedeysanaha ka tirsanaa kooxihii dhawaan weerarka ku soo qaaday Magaalada, gaar ahaan waxaa uu ku eedeysnaa in uu gacantiisa ku dilay qof Dumar ah oo xiligaas taagneyd goob Cabitaanka lagu iibiyo, waxaana xusid mudan in dhawaan Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu sheegay in marka la soo dhameystiro cadeymaha ku saabsan in uu dilka geystay la marin doono Shareecada Islaamka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia