Nabdoonada Gobolka Bari oo ku baaqay in la dhameeyo xiisad colaadeed oo ka taagan Tuulada Laag iyo tacshiirad xalay ka dhacday Tuuladasi

Cabirka Farta

Talaado, November 04, 2008(HOL): Nabaddoonada Gobolka Bari ayaa  ku baaqay in la dhameeyo xiisad colaadeed oo ka dhax  taagan labo beelood oo wada daga   tuulada Laag oo ka tirsan degmada Boosaaso, kuwaasi oo isku dagaalay aanooyin Qabiil.

Nabddoon C/Casiis Afguduud oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha dagaalku  u dhaxeeyo ayaa sheegay in loo baahan yahay guddi arintaasi loo xilsaaro maadaama uu maamulka gobolku ku guul daraystay xalinta arimahaasi.

Waxaa kaloo uu  nabadoonku  sheegay in xaaladda tuuladaasi ay iminka tahay mid aad u kacsan maadaama aan xal la gaarin, xili kasta la filan karo tacshiirad dhaxmarta beelaha isku haya tuuladaasi Laag oo ka tirsan degmada Boosaaso.

"Waxaa muhiim ah in laga hortago dhibaatada ka imaan karta colaada ka jirta tuulada Laag inta aysan soo gaarin degmada Boosaaso" sidaas waxaa yiri nabadoonka oo saxaafadda la hadlayay.

Xalay ayaa u danbaysay tuulada Laag waxaa isku faro-saaray maleeishiyo beeleed halkaasi ku sugan iyo ciidan ka tirsan Puntland, kuwaasi oo loo geeyay in amniga tuuladaasi ay sugaan, inkastoo aan la caddeyn  karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay tacshiiraddaasi.

Baaqaan ay jeedinayaan nabaddoonada ayaa ku soo beegmay xili wali ay taagan tahay xiisadda labadani beelood, waxaana la iswaydiinayaa halka ay ku dhamaan doonto xiisaddahaasi ka jira tuulada Laag.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia