![]() |
| Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed |
Madaxweyne Yuusuf ayaa wuxuu sanad kasta booqdaa Dhaqtarkiisa ku sugan Isbitaalka Comwell ee Magaalada London, kaasi oo la socda sida uu u shaqeynayo Beer toban sano ka hor Isbitaalkaas lagula tallaalay.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdalla Xaaji Cali ayaa sheegay in caafimaadka madaxweynaha uusan hagaagsaneyn, sidaas darteedna madaxweynaha looga baahan yahay in Baarlamaanka hor-geeyo warbixin ku saabsan xaaladdiisa Caafimaad.
“Marka 1-da duhurnimo la gaaro ma arkeysid madaxweynaha, waxaana dadka doonaya in ay la kulmaan ka hor istaaga gacan-yarayaashiisa iyo ilaaladiisa, xiligaasna waxaa la siiyaa oo uu qaataa dawooyin”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji oo sheegay in madaxweynaha ay bishiiba ku baxdo lacag dhan 300,000$ oo uu dawo ahaan ugu baxda, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Laakin Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa hadalkaas beeniyay wuxuuna sheegay in ay jiraan Xildhibaan caadeystay in ay mar kasta madaxweynaha ka fidiyaan warar aan jirin, wuxuuna ugu baaqay Xildhibaannadaas in ay howshooda gutaan, isla markaana ay iska daayaan warar aan jirin ee ay ka fidinayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku weyn karaan xildhibaannimadooda.
“Haddii xaaladda caafimaad ee madaxweynaha cid wax laga weydiinayo waxaa la weydiin karaa Dhaqaatiirtiisa, laakin waxaan idiin xaqiijinayaa in caafimaadka madaxweynaha uu wanaagsan yahay”ayuu yiri Xuseen Xuub-sireed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
