Talaado, November 04, 2008(HOL): Guddiga Dhismaha Waddooyinka ayaa shaaca ka qaaday in uu howlo dayactir ah ka bilaabayo Wadada isku xirta Magaalooyinka Balcad iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ah mid aad u burbursan oo aan wax dayactir ah helin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore.
Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ka mid ah Guddigaas ayaa sheegay in kadib markii lagu soo wargeliyay burbur xooggan oo wadadaas ku dhacay ay go’aansadeen in ay howlo dhismo ah ka bilaabaan wadadaas.
“Ma jiro wax dhaqaale ah oo aan arrintaas u heyno, balse waxaan rajeyneynaa haddii aan shacabka Soomaaliyeed gacan ka helno in aan bilaabi karno howshaas”ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle oo sheegay in Waddooyin badan oo ay soo dhiseen ay ku dhiirigeliyeen shacabka oo ay gacan ka heleen.
“Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo labo malyan ah haddii ay min labo doollar iska soo uruuriyaan waa lacag weyn, waana labo Milyan oo Doollar, howshaasna wax weyn ayay ka tareysaa”ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle oo sheegay in uu tusaalahaas u soo qaatay in haddii ay dadka is-kaashadaan ay dalkooda dhisan karaan.
Abwaanka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay si gaar ah uga rajeynayaan in ay arrintaas ku garab istaagaan Ganacsadayaasha kala ah Inj. C/qaadir Eenow iyo Xaaji Maxamuud Sabriye, Gaadiidleyda iyo weliba qeybaha kala duwan ee ganacsatada Muqdisho, gaar ahaan kuwa Shirkadaha.
Guddiga Dhismaha Waddooyinka oo iskiis isu abaabulay ayaa wuxuu horay u soo dayactiray Wadada isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Dabka, Sidoo kalena Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha ee isku xira Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Baar Ubax iyo Aadan Cadde iyo Carwo Idko, waxaana howshaas ay qabteen ay tahay mid muuqata oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia