
Khamiis, 12 June 2008 (HOL): Wefti sare oo ka socda Hay’adda Mashaariicda Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa oo shalay booqasho hal maalin ah Somaliland ku yimi. Isla markaana isla xalayba la kulmay M/weyne Rayaale, ayaa deeq 23 Baabuur ah ku wareejiyay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Caddaadalladda ee Somaliland.
Weftigan oo uu horkacayo ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka ee Hay’adda UNDP, ahna Agaasimaha UNDP ee dalalka Carabta Mr. Abdoulaye Mar Dieye, isla markaana ka kooban saddex xubnood oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Ha’yadda UNDP ee dalka Mr. Bruno Lemarquis iyo Madaxa Gargaarka Bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay Mark Bowden, ayaa Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda Somaliland ku wareejiyay 23 Baabuur oo isugu jira Landcruiser-ro iyo nooca dusha bannaan ee Xaajiyadaha loo yaqaano.
Munaasibaddii Xil-wareejinta ayaa waxa ka hadlay labada Wasiir, waxaanay Hay’adda UNDP uga mahadceliyeen deeqdan, isla markaana waxay ku boorriyeen inay sii waddo fulinta adeegyada noocan ah. Sidoo kale, masuul ku hadlayay Afka Weftiga iyo Hay’adda, ayaa isna sheegay inay si wadi doonaan taakulada noocan oo kale ah ee Somaliland.
Weftigan waxay kulamo la yeesheen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka ku sugan. Iyaga oo xalayba kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada M/weyne Rayaale, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu. Waxaanay labada dhinac ka wada hadleen Sooyaalkii-taariikheed iyo Siyaasadeed ee Somaliland iyo heerarka ay hadda marayso.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland