WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JIBOUTI:“Weerarka ay Eritrea nagu soo qaaday waxaan u aragnaa in ay ka xun tahay Heshiiska ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Jibouti”

Cabirka Farta

Khamiis, June 12, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u waramayay ayaa wuxuu sheegay in sababta ay Eritrea u soo weerartay Ciidamadooda jooga xadka kala qeybiya labada dal ay tahay iyadoo ay Eritrea ka xun tahay heshiiska ay dhinacyada Soomaalida ku gaaren Dalka Jibouti.

“Weerarka ay Eritrea nagu soo qaaday waxaan u aragnaa in ay ka xun tahay Heshiiska ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Jibouti”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo sheegay in ay farxad u tahay in ay Soomaalida heshiis ku gaaraan dalkooda.

Maxamuud Cali Yuusuf waxaa uu sheegay in Dowladda Eritrea ay tahay mid aan xal iyo in derisnimo lagu wada noolaado dooneyn, wuxuuna caddeeyay in ay meel kasta u tageen sidii gardarrada Eritrea wax looga qaban lahaa.

“ Waxaan gardarrada Eritrea u bandhignay Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika  iyo Jaamacadda Carabta, markii ay Ururradaas isku dayeen inay mushkiladdaas xal u helaan-na Eritrea waa ay diiday in ay maqasho baaqyo nabadeed oo ay Ururadaas u soo jeediyeen”ayuu yiri Wasiir Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo intaas ku sii daray in inkastoo uu dalkooda yahay mid la dagaalamayay saboolnimada uu haatan ku qasban yahay in uu dagaal galo maadaama lagu soo duulay.

Hadalka Wasiirkan ka tirsan Dowladda Jibouti ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii seddexaad uu dagaal ku dhexmarayo Ciidamada Dowladaha Jibouti iyo Eritrea xadka labadaas dal u dhaxeeya, iyadoo dagaalkaasna uu geystay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia