Khamiis, June 12, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Igoysyada Dabka iyo KM4.
Dagaalka oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday ayaa wuxuu socday muddo saacad ku dhow, waxaana rasaasta iyo madaafiicda la isugu adeegsaday laga maqlayay xaafado ka fog fog halka ay dirirta ka dhacday.
Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa dhowr madfac lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay madaafiicdaas Garoonka ka geysteen.
Inkastoo ay goor hore tahay in la sheego khasaaraha uu dagaalkan geystay, hadana waxay dad goob-joogayaal ah oo aan kala xiriirnay xaafado u dhow halka uu dagaalka ka dhacay waxay sheegeen in ay dagaalka ku geeriyoodeen ilaa shan ruux oo rayid ah, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan.
Dagaalkan ayaa wuxuu dhacay kadib markii saaka Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom ay xireen Wadada Maka Al-Mukarama, taasi oo la xiri jiray marka ay soo degayaan ama ay dhoofayaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada uu dagaalka dhexmaray oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ka dhashay, inkastoo ay dhici karto in ay saacadaha socda ka hadlaan.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Isniintii aynu ka soo gudubnay Dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo qodobada heshiiskaasna uu ku jiro mid sheegaya in xabadda la joojiyo.
Wixii dagaalkaas ku soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia