Khamiis, June 12, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan oo ay la qaataan heshiiskii ay dhawaan ku saxiixeen Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.
Shiikh Shariif oo u waramayay TV-ga Af-Carbeedka ku hadla ee Al-jazeera ayaa wuxuu sheegay in haddii uu heshiiskaas meel-mar noqdo ay fududaaneyso in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.
Shiikh Shariif waxaa uu xitaa baaqaas u jeediyay dhinacyada mucaaraday heshiiskaas oo qaarkood ay kula jiraan Isbaheysiga Dib u xoreynta, halka kuwo kalena ay ka mid ahaayeen maxkamadihii Islaamka.
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu sheegay in haddii aan la taageerin heshiiska ay Jibouti ku saxiixeen ay dhibaatada ku sii soconeyso dadka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in heshiiskan uu yahay mid qaab nabadeed Ciidamada Itoobiya looga saarayo Soomaaliya.
Baaqa uu sii daayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ku saabsan in la taageero heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saxiixitaankii heshiiskaas kadib ay magaalada Muqdisho ka dhaceen iska hor-imaadyo hubeysan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo midkii ugu dambeeyay uu saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarama.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia