Khamiis, June 12, 2008(HOL): Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa waxaa uu ka socdaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka oo la isugu adeegsanayo hub culus iyo mid fudud waxaa uu qarxay kadib markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyle Bariise iyo weliba fariisin kale oo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku leeyihiin Xaafadda Ceymiska.
Dagaalkan oo madaafiicda iyo rasaasta la isugu adeegsanayo laga maqlayo xaafado ka fog halka uu ka dhacay ayaa waxaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac isu adeegsanayaan ay waxyeello u geysteen dad rayid ah oo aan ahayn labada dhinac ee uu dagaalka dhexmaray.
Dagaal xalay ka dhacay isla halka uu dagaalka caawa ka socdo ayaa waxaa sheegtay in ay dambeeyeen Maxkamadaha Islaamka, iyadoo afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow uu sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Daarihii Ceymiska.
Dagaalkii xalay ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Isniintii aynu ka soo gudubnay Dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo qodobada heshiiskaasna uu ku jiro mid sheegaya in xabadda la joojiyo.
Wixii ku soo kordha dagaalka ka socda Xaafadaha ka tirsan Degamda Yaaqshiid kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia