Khamiis, June 12, 2008(HOL): Ergooyinka Dowladda Federaalka Isbaheysiga Dib u xorerynta oo dhawaan ay wada hadallada ugu soo gebageboobeen ayaa waxay mar kale horaanta todobaadka soo socda ku kulmaan Dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Ergooyinka labada dhinac ayaa waxay haatan ku jiraan qaban-qaabada safarkii ay ku tegi lahaayeen Sacuudiga, iyadoo marka ay gaaraan Sacuudiga ay kulamo kale halkaas ku yeelan doonaan.
Mas’uuliyiinta Ergooyinka labada dhinac ayaa waxay si rasmi ah Sacuudiga ugu saxiixi doonaan Heshiiskii ay Isniintii dhaweyd ku gaareen Dalka Jibouti, kaasi oo ay qodobadiisa ku jireen in xabadda la joojiyo, in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah kadib marka ay Soomaaliya tagaan Ciidamo ka socda UN-ka oo ku filan sugidda Ammaanka Soomaaliya.
Munaasabadda lagu saxiixayo heshiiskan ayaa waxaa ka qeybgeli doona Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, Boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdul Casiis, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah, Safiirrada Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jibouti iyo wakillo ka socda Urur Goboleedyada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka.
Laakin intii aanba la gaarin dhab u saxiixitaanka heshiiska ay labada dhinac wada gaareen ayaa waxaa muuqata in aysan qodobada lagu heshiiyay qaarkood ka hirgelin gudaha Soomaaliya, gaar ahaan qodobka ku saabsan in xabadda la joojiyo waayo waxaa dorraad, shalay iyo maantaba ka dhacay Magaalada Muqdisho dagaallo u dhaxeeyay xoogag kala taabacsan dhinacyada heshiiska saxiixay.
Ugu dambeyntii, waa la eegi doonaa wejiga uu heshiiskaas la yimaado kadib marka si kama dambeys ah loogu saxiixo dalka Boqortooyada Sacuudiga, tiiyoo qodobada lagu heshiiyay meel-marin looga rabo labo dhinac oo kala ah Qaramada Midoobay iyo dhinacyada Soomaalida ah ee heshiiska wada gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia