Khamiis, June 12, 2008(HOL): Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu weeraray fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay weerarro ku qaadeen Xarunta Warshaddii Baastada oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan iyo Xaafadda Ceymiska oo iyadana ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in markii ay weerareen fariisimadaas ay Ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaaceen xaafado ay ku sugan yihiin Dad rayid ah oo ku yaala Degamada Yaaqshiid, wuxuuna sheegay in ay falalkaas muujinayaan cadawtinimada ay Ciidamada Itoobiya u qabaan dadka Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay u dul-qaata dhibaatooyinka idinka soo gaaraya howlgallada Ciidamada Itoobiya looga saarayo Soomaaliya waayo in la idin heysto waxaa idinkaga roon in aad shuhaddo noqotaan”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Dagaalkii shalay ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa wuxuu sababay dhimashada 3 Ruux iyo dhaawaca 7 kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay madaafiic ugu tageen guryahooda oo ku yaala Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid.
Dagaalkii shalay ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Isniintii aynu ka soo gudubnay Dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo qodobada heshiiskaasna uu ku jiro mid sheegaya in xabadda la joojiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia