Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo u dhoofay Dalka Itoobiya

Cabirka Farta

Khamiis, June 12, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta wuxuu u dhoofay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo ah Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu sheegay in uu Madaxweynaha uga qeybgelayo magaalada Addis Ababa Shir sanadeed ay isugu imaanayaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo isla soo qaadi doona arrimo ku saabsan Gobolka Geeska Afrika.

Afhayeenka Madaxweynaha waxaa uu dhanka kale sheegay in intii uusan madaxweynaha ka duulin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kooxo hubeysan madaafiic ku weerareen Garoonka Diyaaradaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay madaafiicdaas oo afar ahaa ay ku kala dhaceen Badda, Afisyooni iyo Xaafad ka tirsan Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir.

“Ciidamada Sir-doonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka war-heleen in ay kooxaha weerarrada ku soo qaada fariisimada Dowladda ay madaafiic hoobiyayaal ah ku rakibteen Xaafadaha Siigaale iyo African Village ee Degmada Hodan, kadibna Ciidamada halkaas ayay ka howlgaleen, waxayna soo qabteen qaar ka mid ah kooxihii doonayay in ay madaafiicda tuuraan”ayuu yiri Xuseen Xuub-sireed.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo madaxweynaha lagu qaado isagoo ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkii midkan ka horeeyay lagu qaaday mar uu u dhoofayay Dalka Jibouti, halkaasi oo uu kula ballansanaa Wafdi ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo uu la soo qaatay kulan labo saacadood socday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia