Khamiis, June 12, 2008(HOL): Saddex Carruur ah oo isku qoys ah da’doodu u dhaxayso 15-jir illaa 5-jir, ayaa lagu dawaynayaa Cusbitaalka guud ee Hargeysa, ka dib markii ay doraad qadadii Balaloodeen.
Sadexdan Carruurta ah oo magacyadoodu kala yihiin, Axmed Cabdiraxmaan Daahir (15-jir), Ismaaciil Cabdiraxmaan Daahir (8-jir) iyo Maxamed Cabdiraxmaan Daahir (5-jir), ayaa sida uu qoray Wargeyska Ogaal, Ubadkan oo jiifay Cusbatalka wayn ee Hargeysa, ayaa waalidkood u arkaan kuna dacwiyeen in nin la deris ahi uu siiyay wax ay u malaynayeen Sharaab, balse markii dambe ee ay cabbeen ay ku sumoobeen, isla markaana miyir-beeleen. “Jaar baanu nahay ninka oo cadow kale mooyaane, ugamaan baqo qabin Ubadkayga isaga, wax alla wax naga dhaxeeyayna ma jirin. Carruurta oo Guriga joogta ayuu u keenay wax uu soo qooshay, dabadeed laba ka mid ah oo ah labada yar-yar ah, ayuu siiyay oo inta badan cabbay, Wiilka waynna in badan kamuu cabbin” Sidaa waxa yiri Aabbaha dhalay Wiilashan, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir, oo Cusbatalka ku sugnaa waqtigaa.
In kasta oo mid ka mid ah wiilashani sheegay in waxa la siiyay ay inta ugu badan cabbeen labada Wiil ee yaryari, haddana labada wiil ee waawayn ayaa hadda Xaaladdoodu sahlan tahay, isla markaana wax kala garanaya oo hadlaya. Hase ahaatee, Wiilka ugu yar ayaa xaaladdiisu aanay wacnayn.”Waanu qadaynaynay (dorraad duhurnimaddii), nin aanu jaar nahay ayaa noo keenay Sharaab uu ku soo qooshay Jabcad, dabadeed labada yar-yar ayaa kala shubtay. Iyaga oo cabbaya, ayaan idhi wax iga siiya, balse way ii diideen. Dabadeed, inta aan Xoog kaga qaaday, ayaan laba jeer kabbaday oo aan cabbay. Markii aan is-idhi seexo, ayaan arkay ka yar oo Sanka iyo Afka ka xunbaynaya oo igu soo ag-dhacay. Waan kacay, waxaanan arkay kii kale oo isna la mid ah, markii aan ninkii waydiiyay ee aan idhi maxaad siisay, ilamuu hadal ee Gurigiisii ayuu isaga baxay” Sidaa waxa yidhi Axmed Cabdiraxmaan Daahir, oo ah Wiilka ugu wayn Carruurtan oo u waramay Wargeyska Ogaal. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waan kaxeeyay labada Inamood ee iga yaryar, waxaanan geeyay Farmasiga. Markii aan ka soo noqday, ayaan aniguna indhaha wax ka arki waayay oo aan Miyir-beelay, islamarkaana Matagay”.
Wiilka ugu yare e isagu liitay ayaa waxa lagu sababeeyay in shayga looga shakisanyahay inay ku suboobeen aanu soo dhaafin, halka labada kale ay markiiba soo celiyeen.
Hooyada dhashay Carruurtan, ayaa iyana sheegtay in la xidhay ninka ay ku eedaynayaan falkan habeen-hore. “Waa la xidhay baa nalagu yidhi” ayay tidhi.
Si aanu xog uga helno dhinaca kale ee Cusbtalka, ayaanu isku daynay inaanu la xidhiidhno. “Wixii aanu u qaban karyanay, waanu u qabanay. Wiil baa noo yimi oo nagu yidhi Sun ka baadha Jidhkooda, waxaanu ku nidhi Agaasimaha ayaa arrintan gacanta ku haya ee u taga, oo aanu u dirnay” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee Cusbatalka, hase ahaatee may suurtogelin inaan helo Agaasimaha Cusbatalka, si aan dhiciisa wax uga waydiiyo arrintan. Sidoo kale, inkasta oo aan isku dayay inaan la xidhiidhno Booliska, si aan wax uga waydiino iyana dhinacooda, ayaanay ii suurtogelin. Mana jirto ka sokow Sheegashada waalidka caruurtan dhalay, Dhaktar cadeeyay in caruurtani ku balalootay sharaabka la siiyay iyo in kale, taasoo ay weli baadhisteedu socoto.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland