Kooxo hubeysan oo xalay gudaha u soo galay Beledweyne

Cabirka Farta
Khamiis, June 12, 2008(HOL): Qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne ayaa xalay waxaa laga maqlayay rasaas goos goos ah oo sida wararku sheegayaan ay ridayeen kooxo hubeysan oo xalay gudaha u soo galay Magaalada Beledweyne sida ay HOL u sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobalka.
 
Saraakiishu waxaa ay intaa ku dareen kooxaha xalay soo galay magaalada oo ay ku tilmaameen in ay ahaayeen dhalin-yaro Diimeedka Al-shabaab sidoo kale tageen guro ay degan yihiin qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Gobalka, Inkastoo aysan jirin falal ay halkaa ka geystaan maadaama ay ka maqnaayeen dadkii ay bartilmaameed sanayeen.
 
Ma jirin dhaq-dhaqaaq ay sameeyeen Ciidamada Maamulka iyo kuwa Itoobiya ee jooga Magaalada taasoo jawiga ka dhigtay mid aan kacsaneyn hadana dadka magaaladu waxaa ay dareemayeen Cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in dagaal uu dhaxmaro Kooxaha hubeysan iyo Ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada Beledweyne.
 
Xaafada Howl-wadaag oo siweyn looga dareemay dhaq-dhaqaaqa kooxaha hubeysan ayaa dadka ku dhaqan waxaa ay u xaqiijiyeen HOL in ay arkeen qaar ka mid ah gadiidka (Cabdi Bilaha) oo ay saaran yihiin dhalin-yaro hubeysan oo goobaha qaar dadka ku wargalinayay in ay  guryahooda galaan.
 
Dhaq-dhaqaaqa xalay ka jiray Magaalada ayaa ku soo beegmaya wax yar uun kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka lagu wareejiyay amaanka Buutada-liqliqato ee kala barta Magaalada Beledweyne oo ay horay u joogeen Ciidamo Itoobiyaan ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia