
Axad, December 28, 2025 (HOL) - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa adkaysay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee ay u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, xasilloonideeda iyo wadajirka dhulkeeda.
Arrintan ayaa lagu muujiyay kulanka degdegga ah ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heerka wakiillada joogtada ah, kaas oo ka dhacay magaalada Qaahira, islamarkaana uu guddoominayay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Jaamacadda Carabta, Xamad Al-Zaabi.
Safiir Al-Zaabi ayaa sheegay in dhammaan dalalka Carabta ay si mideysan u garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Imaaraadka Carabta ay taageero buuxda siinayaan dadaallada lagu xoojinayo midnimada qaranka, madaxbannaanida siyaasadeed iyo xasilloonida guud ee dalka.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Xoghayaha Guud ee Jaamacadda, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira ku dhawaaqista Israa’iil ee aqoonsiga waxa ay ugu yeertay Dowlad madax banaan ay heshay Somaliland taas oo ay Soomaaliya si cad uga hor timid.
Kulanka degdegga ah ayaa la qabtay kadib codsi rasmi ah oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dalalka Carabta ay si buuxda u taageereen baaqaasi, iyagoo ku tilmaamay tallaabada Israa’iil mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, kuna xadgudbeysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Gebagebadii, Jaamacadda Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa mar kale ku celiyay mowqifkooda cad ee ah in Soomaaliya tahay dal mid ah oo madax-bannaan, islamarkaana aan la aqbali karin tallaabo kasta oo halis gelinaysa xasilloonideeda iyo wadajirka dhulkeeda.