
Axad, December 28, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland dal madax-bannaan, isagoo ku tilmaamay tallaabo baadil ah oo si toos ah u weeraraysa madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha, oo wareysi siisay Al-Jazeera, ayaa sheegay in hadalka iyo go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu yahay mid mas’uuliyad-darro ah, isagoo xusay in Israa’iil ay ahayd in ay aqoonsato dowladda Falastiin halkii ay ka qaadi lahayd tallaabo muran iyo qalalaase hor leh ka abuureysa Geeska Afrika.
Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay arrintan, isla markaana ay xiriir la sameysay dalalka walaalaha ah iyo hay’adaha caalamiga ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay heshay taageero caalami iyo mid goboleed oo muujinaya diidmada aqoonsigan.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in Soomaaliya ay adeegsan doonto dhammaan waddooyinka sharci ee suurtagalka ah si ay uga hortagto go’aanka Israa’iil, isagoo ku eedeeyay Netanyahu in ujeeddadiisu tahay in Israa’iil ay saldhig istaraatiiji ah ka hesho Geeska Afrika, gaar ahaan agagaarka marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.
Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka uu yahay mid wanaagsan, isla markaana dowladda Mareykanka marar badan lagu wargeliyay mowqifka cad ee Soomaaliya ee ah in la diidan yahay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalka, isagoo xusay in dal kasta oo ixtiraamaya sharciga caalamiga ah uusan aqoonsan karin go’aan ka yimid Netanyahu.
Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu Jimcihii ku dhawaaqay in Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, taasoo dhalisay falcelin ballaaran oo ka timid dowladda Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka ah.