
Axad, December 28, 2025 (HOL) - Garyaqaan Mubaarik Aar, ayay Ciidamada Booliiska Somaliland shalay xabsiga u taxaabeen kadib markii uu ka hor yimid Heshiisyada Ibrahiimiyada ee Somaliland ay sheegtay innay ku biirayso, oo uu sheegay in ay diinta Islaamka kasoo horjeedaan.
Garyaqaan Aar oo ka hor intii aan la xidhin kahor warbaahinta la hadlay ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in ay ka digtoonaado ku biirista heshiisyadan, oo uu sheegay in ay kasoo horjeedaan Dastuurka Somaliland.
"Waxa hadalada kamid ahaa in ay Somaliland aqbashay in ay ku biirto Heshiisyada Abraham, ama mashruuca Ibraahiimiyada oo uu ku dhawaaqay Natenyahu isaga oo sheegaya Trump - na in uu u sheegay, run ahaantii qodobkaasi waxa uu u baahanyahay Madaxweyne in loo eego sharciyada Dasruurka Somaliland" ayuu yidhi Garyaqaan Aar.
Waxa uu sheegay in Dastuurka Somaliland sheegayo in Shareecadda Islaamku ay aasaas u tahay shariciga Somaliland, isla markaana culimada Islaamku ay isku raaceen in Heshiisyada Abrahiimiyadu ay yihiin kuwo kasoo horjeeda diinta Islaamka oo xaaraan ah.
Waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay in uu dadka u caddeeyo waxa ay Somaliland kaga badalatay aqoonsiga dowlada Israa'iil, waxa uu sheegay in anay waxba ka jirin in dad Falastiinyiin ah la keenayo Somaliland lakiin ay jiraan qododobo kale oo waa wayn oo lagu heshiiyay kuwaas oo u baahan in baarlamaanka la horgeeyo.
Waxa uu sheegay in aqoonsiga ay Somaliland lafteedu siisay Israa'iil uu ka dhiganyahay in la quudhsaday dhibaatadii soo gaadhay dadka reer Falastiin, isla markaana uu lidi ku yahay qododobka 10 aad ee Dastuurka oo sheegaya in Somaliland ay kamid tahay bulshada Carabta, oo sidoo kale sheegaya in ay kasoo horjeedo fal kasta oo argagixiso.
Sidoo kale, Booliiska Somaliland ayaa daraad xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed Cali Kaariye, oo kamid ah culimada Somaliland, kadib markii uu baraha bulshada ku baahiyay qoraal uu kaga soo horjeeday aqoonsiga ay dowladda Israa’iil siisay Somaliland.
Kaariye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku yidhi: “Ka kacaay, ka kacaay, kufri baa yimide ka kacaay, Yuhuud baa timide ka kacaay, Netanyahu diidoo ka kacaay.” Sheekh Maxamed Cali Kaariye ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay muddo yar kadib markii uu qoraalkaas baahiyay.
Qoraal kasoo baxay Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad ku eedaysan inay si cad uga soo horjeesteen aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland.