
Axad, December 28, 2025 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Moora Gaabey oo qiyaas ahaan 30 KM dhanka Waqooyi bari kaga beegan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu beegsaday fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu dilay 15 xubnood oo ay ku jiraan sadax horjooge oo la tilmaamay iney kaalin sare ku lahayeen dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku nool degamada Xudur iyo deegaanada ku dhadhaw.
"Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan khatarta argagixisada, kuna xaqiijinayaan nabadda, amniga, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay iney sii soconayaan howlgalada moocaan oo kale ah ee lagu ciribtiraayo Al-shabaab, islamarkaana lagu xaqiijinaayo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo dhameystiran:-
