Kumaandooska Danab oo howlgalo muhiim ah ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Dhuusamareeb

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Kumaandooska Danab wuxuu si gaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Ceel Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir dugle, kuwaas oo dhamaantood ku yaala duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inuu qayb ka yahay dadaalada joogtada ah oo ay ciidamadu ku wiiqayaan dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale Saraakiishu xaqiijiyeen in howlgalkaan ay ciidamadu uga hortageen khataro Al-shabaab ay la damacsaneed dadka ku nool deegaanadaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana sidoo kale ciidanku ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka.

Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe deegaanada dhaca gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ay ahayeen kuwa gaabis ku yimid marka loo eego howlgalada ka socda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.