Madasha Samatabixinta oo xaqiijinaysay inay si buuxda ugu garab taagan yihiin madaxda dowladda difaaca iyo ilaalinta Midnimada dalka

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa soo saartay Warsaxafadeed rasmi ah oo ku aadan kulankii xalay ay kula yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Madasha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arinta Midnimada dalka iyo xadgudubka Israa’iil.

Madashu waxay sheegtay in kulanka uu ku dhacay jawi furan, islamarkaana labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen aragtiyo iyo talooyin la xiriira mustaqbalka dalka iyo Midnimada Soomaaliyeed iyo waliba sidii looga hortagi lahaa damaca guracan ee Israa’iil. 

Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka Madasha lagu xusay in kulamada wada tashiga ah ay sii socon doonaan, iyagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u midoobaan difaaca madaxbannaanida iyo Midnimada dalka.

Madasha Samatabixinta waxay sidoo kale adkeeysay muhiimadda ay leedahay in hoggaanka dalka iyo siyaasiyiintu ka shaqeeyaan Midnimada iyo badbaadinta masiirka qaranka Soomaaliyeed. 

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Madasha oo dhameystiran:-