Jaamacadda Carabta oo maanta kulan degdeg ah ka yeelanaysa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Axad ah, ku qabanaysa magaalada Qaahira kulan degdeg ah ee heerka wakiillada joogtada ah, si loo diido go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland.

Kulankan degdegga ah ayaa yimid kadib codsi rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay u gudbisay Golaha Jaamacadda Carabta, iyadoo dalbatay in si wadajir ah loo cambaareeyo aqoonsiga Israa’iil, kaasoo Soomaaliya ku tilmaantay mid si cad u jebinaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, isagoo ka digay in go’aankan uu yahay mid mas’uuliyad-darro ah oo si toos ah u taabanaya midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wakiilku wuxuu adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’ayn dhulka Soomaaliya, isla markaana isku day kasta oo lagu aqoonsanayo inuu yahay maamul ama dal madax-bannaan uu yahay mid baadil ah oo aan sharciyad caalami ah lahayn.

Waqti hore Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay wado dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran si loo wajaho cawaaqibta ka dhalan karta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.