
Axad, December 28, 2025 (HOL) - Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u soo saaray war-murtiyeed uu ku caddeynayo in uu si buuxda u ixtiraamayo una aqoonsan yahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana kasoo horjeedo aqoonsiga Somaliland.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Xoghaynta EAC ee fadhigeeduyahay magaalada Arusha 28-ka December 2025, ayaa lagu sheegay in EAC ay Soomaaliya u aqoonsan tahay hal dal oo madax-bannaan, isla markaana ay hoos yimaadaan maamulo.
EAC ayaa sidoo kale sheegtay in ay la jaanqaadayso mowqifka Midowga Afrika, sida ku cad Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo go’aannada kala duwan ee quseeya ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in, sida uu dhigayo Heshiiska Aasaaska Ururka Bulshada Bariga Afrika, Soomaaliya loo aqoonsan yahay dal leh xuduudihii ay dhaxashay xilligii ay xornimada qaadatay.
Ugu dambayn, EAC waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ixtiraamaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku dhaqmaan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee la xidhiidha madaxbannaanida dalalka.
War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli ay socdaan dooddo iyo falcelinno siyaasadeed oo la xidhiidha aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland.