
Axad, December 28, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan deg deg ah la qaadanaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka deg dega ah ee uu la yeelanayo madaxweynaha Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ah mid looga arrinsanayo xadgudubka Israa’iil ay ku samaysay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Fadhigaan deg deg ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saacadihii lasoo dhaafay uu wadahadalo kala yeeshay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya madax kala duwan oo Afrikaan ah iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Mucaaradka, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, Bulshada Rayidka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka labadiisa Aqal la wadaagi doono go’aano la xariira ka dhiidhinta xadgudubka bareerka ah ee Yuhuudda ay kula kacday Soomaaliya oo ay ku sheegtay iney aqoonsatay Somaliland.
Tan iyo markii uu soo ifbaxay go'aanka Raysal wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu ku aqoonsaday Somaliland Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hakiyay dhamaan howlihii kale uu hayay, isagoona xoogga isugu geeyay arrinta la xariirta difaaca dalka, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii talaabada Israa’iil ay qaaday waxaa si weyn uga horyimid inta badan dalalka Caalamka, kuwaas oo badankood si buuxda tagaaeero iyo garab istaag ugu muujiyay madaxbannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.