Abwaanno ka warbixiyay Bandhig Suugaaneedkii SOMALI WEEK FESTIVAL ee carriga Ingiriiska

Cabirka Farta


Sabti, 22 November 2008 (HOL): Abwaan Axmed Aw-Geeddi iyo Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ka mid ahaa abwaano iyo aqoonyahan badan oo dhawaan ka qaybgalay bandhig suugaanta Soomaalida lagaga hadlayey oo loo bixiyey SOMALI WEEK FESTIVAL oo ka dhacay magaalada London ee cariga Ingiriiiska, ayaa kulan ballaadhan oo loo sameeyey kaga xog-waramay bandhig suugaaneedkaa, wixii lagu soo bandhigay iyo wixii ay halkaa ku soo arkeen.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’ada DALMAR Foundation iyo Dallada SONYO, waxa ka Soo qaybgalay dad tiro badan oo u badnaa dhallinyaro, waxaana ujeedadiisu ahayd in labadan aqoonyahan fikrad buuxda ka siiyaan dadka suugaantii lagu soo bandhigay shirkii ay ka qaybgaleen, dhibaatooyinka qaar la soo dersa dadka qurba-joogga ah ee ay dadka dalka gudihiisa joogaa mooggan yihiin iyo inay dhallinyaradu ka faa’iidaystaan.  

Dr. Maxamed Rashiid oo hadalka ku horreeyey, ayaa si faahfaahsan uga waramay suugaanta Soomaalida, qaybaheeda kala duwan iyo siyaabaha kala duwan ee loo adeegsan karo, taas oo loo adeegsan karo in cid la iskaga dhiciyo, isla markaana ay kaba culus tahay mararka qaarkood hubka la isku adeegsado. Waxaannu tusaaleyaal u soo qaatay waqtigii gumaysigu Afrika haystay.

Dr. Maxamed Rashiid waxa uu sheegay in suugaanta Soomaalidu ay soo martay marxalado kala duwan, kuwaas oo ay ugu wacan tahay xilliyada kala duwan oo ay marba mid la jaanqaadaysay. “Suugaanteenu waxay u kala qaybsantaa laba qaybood oo kala ahaa, mid jirtay waqtigii gumaysiga oo ka horreysay dawladnimada iyo mid ka dambaysay. Taa hore waxay ka hadli jirtay dagaalo beelo isku qaadeen, gabadh la dhacay oo dagaal ka dhashay, ceel biyood oo la isku dilay iyo waxyaabo kale oo badan. Suugaantaas raggii ku soo baxay ee caanka ku ahaa waxa ka mid ahaa Salaan Carrabay, Qamaan Bulxan iyo rag kale,” ayuu yidhi Maxamed Rashiid, waxaannu intaa raaciyey, “Markii dawladnimada la helay, gaar ahaan xilliyadii Taliskii Siyaad Barre, suugaanta waxa loo adeegsaday qaab kale oo ah in qof lagu ammaano oo kale. Waxaad ogtihiin in heeso badan iyo gabayo lagu ammaanyo Siyaad Barre loo sameeyey, iyada oo dhinaca kalena Awbaanadu sida Hadraawi ay sameeyeen suugaan kicin ah oo maamulkaas lagaga soo horjeedo.”

Waxa kale oo Dr. Maxamed Rashiid uu ka sheekeeyey suugaanta maanta iyo sida loo adeegsan karo, waxaannu sheegay in suugaantu hadda la jaanqaadayso cilmiga adduunyada oo ay bulshada ku xidhiidhinayso, isaga oo dhallinyaradana u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan barashada dhaqankooda iyo suugaantooda.

Abwaan Axmed Aw Geeddi, waxa uu isagu ka waramay sidii uu dhacay toddobaadkii loo bixiyey Somali Week Festival, dadkii ka qabygalay iyo suugaantii kala gedisanayd ee halkaa lagu soo bandhigay, isaga oo sheegay in dadku aad ugu farxeen ka soo qaybgalkii shirkaas ee Awbaan Cali Sugale oo uu tilmaamay in suugaantiisa mooyee dadka badankiisu aqoon badan u lahayn.

Waxa kale oo uu Abwaanku sharraxaad ka bixiyey suugaantii kala duwanayd ee uu isagu halkaa ku soo bandhigay, taas oo uu sheegay in su’aalihii ugu badnaa laga weydiiyey heesta uu alifay ee la yidhaa Garo.

Abwaan Axmed Aw Geeddi waxa uu nolol xun oo rejo-la’aan ah ka muujiyey nolosha qurbaha badankeeda. “Dadka soomaalida ah dhibaatooyinka haysta waxa ka mid ah qaadka oo raggii oo dhami way qayilayaan. Ta kale dadkii inyar mooyee wax shaqaysta oo wax qabsadaa way ku yar yihiin,” ayuu yidhi Abwaan Axmed Aw Geeddi.

Markii ay hadalkooda dhammeeyeen waxa la weydiiyey su’aalo badan oo la xidhiidhay mawduucan iyo kuwo kaleba, waxaanay uga jawaabeen si qoto dheer oo raaligelisay dadkii ka qaybgalay.

Gebogabadkii waxa halkaa looga mahadnaqay Hay’ada DALMAR Foundation iyo Dallada SONYO oo soo qabanqaabiyey kulanka, kuwaas oo lagu ammaanay kaalinta ay ka qaataan dhiirigelinta da’yarta iyo kor u qaadka dhaqankeena suuban.







Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland