Sabti, November 22, 2008(HOL): Ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa maanta wuxuu seminaar maalin iyo bar soconaya uga furmay Hotelka Kempinski ee Magaalada Djibouti.
Seminaarkan ayay qaar ka mid ah Ergooyinka Shirka ka qeybgelaya sheegayaan in looga hadlayo tacaddiyadii ka dhacay Soomaaliya iyo ciddii dhab ahaan ka dambeysay, waxaana goob-joogayaal ka ah Seminaarka Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay Safiirrada Dalalka Caalamka ee jooga Jibouti.
Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga ee Wada Hadallada Jibouti C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Seminaarkan oo socon doona ilaa berri oo Axad ah ay ergooyinka labada dhinac maalinta Isniinta ah isugu imaan doonaan wada hadallo horay ugu socday oo ku saabsanaa Siyaasadda iyo Ammaanka Soomaaliya.
C/raxmaan C/Shakuur waxaa uu sheegay in shirkaas ay ka soo jeedin doonaan cabasho ku saabsan sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi waayeen mudadii loo qabtay oo ahayd 21-kii bishan, wuxuuna sheegay in ay aad uga xun yihiin in aysan arrintaas dhicin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wada Hadallada ay yeelanayaan Ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa la sheegayaa in looga hadlayo arrimo ku saabsan sidii loo sii amba qaadi lahaa ka bixitaanka Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya iyo qodob kale oo ku saabsan awood qeybsiga, kaasi oo ah midka ugu xasaasisan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia