Sabti, November 22, 2008(HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in Qaramada Midoobay go'aan ay soo saartay ay ku sheegtay in heerka Nabadgelyo ee Somaliland uu hoos uga dhacay halkii uu taagnaa, marka loo eego qiimaynta ay iyagu sameeyeen.
Hase ahaatee ay Xukuumad ahaan ku gacan-saydheen go'aankaas oo ay Qaramada Midoobay jawaab ka sugayaan. Hase ahaatee, waxay Qaramada Midoobay sheegeen in aanay joojinayn barnaamijyadii horumarineed ee ay ka wadeen Somaliland, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan dib u gu bilaabayaan hawlihii shaqo.
Wasiirka iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) iyo Axmed Xaashi oo si wada-jir ah Shir-jaraa'id ugu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday sababta ujeedada ay Saxaafadda ugu yeedheen. "Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu idinla socodsiino arrin soo korodhay.Waxa jirtay in aanu kulamo la yeelanay madaxdii Qaramada Midoobay ee qiimaynta xaaladda nabadgelyo ee Somaliland yimi, oo aanu u sheegnay in aanay dalka ka tegin oo ay shaqadoodii wataan. Is-af-garad aan rasmi ahayn ayaanu kala qaadanay oo ahayd in ay dalka joogaan, laakiin ay ay qiimaynta wadayaan oo ay xaruntooda New York oo ay fadhiyaan waaxda badbaadinta iyo amniga u dirayaan. Kuwaas oo eega nabadgelyada dalka iyo sida loo wada-shaqaynayo." Sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Haddaba waxaanu doonaynaa in aanu idiin sheegno War nagu soo biiray, sababta aanu idiin siinaynaana waa in aydaan (Saxaafadda) inta aad meelahaa ka heshaan aydaan u qaadan in aad Dahab hesheen ee aad Afkayaga ka heshaan, si aanay wax ku-tidhi-ku-teen ah aydaan u baahin." Waxaanu Wasiirku sheegay in nuxurka Qoraal ay ka helaan Qaramada Midoobay. "Waxaanu idiin sheegaynaa in aanu Qoraal ka helnay Qaramada Midoobay oo ay noo soo gudbiyeen go'aankii ay yidhaahdeen waxa qaadatay qolada badbaadada iyo amniga qaabilsan ee New York, kaas oo aan runtii aan na qancin. Waxa qoraalkaa ku yaalay, in barnaamijyadii horumarinta ee dalku ay sidoodii u soconayaan oo ay ku dedaalayaan in aanay is-dhimin. Hase ahaatee, waxay yidhaahdeen qolada New York, balse talo ayay gaadheen, taladaas oo ah, in heerkii Nabadgelyada, siday iyagu u haystaan uu noqdo wejiga Afraad, halkii uu markii hore ka ahaa wejiga saddexaad. Laakiin, muddo yar ka dib qiimayn dambe la sameeyo in kor loo qaaday." Ayuu yidhi Wasiirku,
Wasiirka Qorshayntu wuxuu sheegay in ay jawaab ay u direen Qaramada Midoobay ugu sheegeen in ay diiddan yihiin Xukuumad ahaan iyo Dal ahaan go'aankaas iyo sababta ay ku diideenba. "Markaa jawaab baanu ku celinay oo aanu leenahay go'aankaa aad gaadheen haba-yaraatee waa mid aan noo cuntamin oo aanu diiddanahay oo aanu sababaynay sababaha aanu ku diiddanahay. Marka u horraysa go'aankaa ay qaateen waa mid uun ku salaysan arrimo Gudaha ah oo aan ahayn arrimo ka baxsan waxa dantooda ah, oo ay ugu badnayd oo ahayd in ay imika Argagixisada bartilmaameed u noqdeen. Ta labaad, in ay Shaqaalahooda badbaadintooda ay sababteeda u qaateen. Laakiin, qiimaynta dambe markay arkaan in ay dib u soo celinayaan." Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Markaa waxaanu nidhi (Qaramada Midoobay) labadaa qodob ee aad cuskateen maaha kuwo nuxur leh ee waa kuwo aad dantiina u qaadateen uun oo aad ka booddeen nuxurku meeshuu ahaa oo ah la-dagaallanka Argagixisada oo inta badanna Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ay ku dhawaaqdo, laakiinse aanaan hadda arkayn in aad ku camal-fasheen, kanna uu ka farxin doono Argagixisada, dadkii dhibtu soo gaadhayna aan wax siinayn. Markaa in aanu gebi ahaanba diiddanahay go'aankaa ay qaateen ayaanu u sheegnay, isla markaana uu ahaa mid tiigsashadiisu aanay ahayn mid qoto dheer oo ah wixii laga rabay Qaramada Midoobay. Sababtaa aawadeed aanu ku diiddanahay."
Md. Cali Ibraahim waxa uu ka waramay maadaama ay go'aankan soo saareen Qaramada Midoobay, tallaabada Dawlad ahaan la gudboon ee ay qaadayaan. "Waxaanu nidhi waa in wada-hadalku socdaa oo aynu ka wada-hadalnaa arrintan iyada ah iyo go'aankaa sidii loo bedeli lahaa, si degdeg ahna aanu uga wada-hadalnaa oo ay dhacdaa in arrintu sideedii hore u socotaa. Wali jawaab kamaanu helin, laakiin waxaanu rejaynaynaa in ay si dhaqso ah aanu uga helno Jawaab. Haddii ay suurtogashana aanu meesha ay joogaan ugu tegno sidii aanu ugula doodi lahayn in tallaabadaa ay qaateen aanay ahayn mid anaga iyo Dalkaba qancinaya. Waxaananu leenahay oo aanu aad iyo aad u leenahay in aananu ku qanacsanayn taladaa ay qaateen. Had iyo jeer qolada talada bixisa ee qoladaas (Xarunta New York) u dirtaa waa Madaxda Qaramada Midoobay ee laamaheeda kala duwan, kuwaas oo u dira Warbixin wixii ay isleeyihiin qiimaynteedu wuu noqday. Hase ahaatee, waxay u egtahay qoladii New York in ay ku gacan-saydhay oo ay taladan iyagu qaateen. Laakiin maaha Albaab Xidhmay ee waa Albaab furan oo laga wada-hadlayo, waananu ku dedaali doonaa sidaanu wada-hadalkaa u dhammayno." Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi oo isna kelmad kooban oo ku saabsan tallaabadan iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelanayso halkaa ka sheegay ayaa yidhi, "Horta waa in la fahmo saamaynta ay inagu keenayso Kaalintan aynu galnay maxay saamayn inagu yeelanaysaa ama maxaa isbedel inagu dhacaya, taasina waxa weeye Shaqaalihii muhiimka ahaa ee joogay ayaa la dhimayaa, nuxurkuna waa intaas."
Intaa ka dib qaar ka mid ah Suxufiyiintii ka socday Warbaahinta ee halkaa ku sugnaa ayaa waydiiyay su'aalo kala duwan, kuwaas oo qaar ka mid ah iyo su'aalihhii Wasiirka Qorshayntu ka bixiyay ay u dhaceen sidan;
S: Go'aankoodan ma ku sheegeen in ay dib-u-bilaabayaan hawlihii ay ka wadeen Somaliland?
J: Haa, way ku sheegeen in ay si degdeg ah u bilaabayaan, balse ay dib-u-habayn uun isku samaynayaan ee dadkii badnaa ee hawlaha u hayay uun ay dad kale ugu bedeli lahaayeen. Laakiin, waxay yidhaahdeen shaqadaasi joogsan mayso.
S: Wasiir, ma noo sheegi kartaa Shaqaalaha ay dhimayaan?
J: Shaqaalaha ay dhimayaan Shaqaalahan maaha ee waa Shaqaalihii Caalamiga ahaa, ayay qaarkoodna imanayaan, qaarkood-na Xaruntooda uga shaqaynayaan.
S: Wasiir, Kaalinta Afraad ee heerka Nabadgelyada Somaliland lagu riixay maxay tahay macnaheedu?
J: Kaalinta afraad waa kaalinta gargaarka bani'aadamnimada, kaalinta saddexaadna waa kaalinta horumarka. Markaa labadii ayay imika isku xidhayaan oo waxay leeyihiin Mashaariicdiina way soconaysaa, kaalinta afraadna waad tihiin. Ta aanu markaa diiddanahay waxay tahay in markii haddii Mashaariicdii soconayaan kaalintii saddexaad loo daayo oo aanay wax iska-hor imanaya aanay noqon. Waaayo, kaalinta afraad waanu la naqaanaa waxay tahay, sidaa darteed labadii kaalmood siday isku qabanayaan ayaananu garaynin. Ta aanu gorgortanka ka galaynaana waa taa.
S: Wasiir, ma noo sheegi kartaa Waddamada safkooda lagu daray Somaliland ee hore ugu jiray Kaalmaha afraad heerka Nabadgelyada?
J: Horta, waxan kaalmaha la yidhaahdaa maaha wax taagan. Waxa weeye, imika dalkeena oo kale marka aad Awdal ka bilowdo ilaa aad Togdheer dhaafto Kaalinta saddexaad ayay ahayd. Sool iyo Sanaag-na waxay ahaayeen Kaalinta Afraad. Waxa tegay qaar badan oo nabadgelyada qiimayn ku samaynayay oo aanu ka dalbanay oo ay ahayd in iyana laga bedelo, runtii ta Sanaag waxaabay tegayeen oo markii ay Sool ka tegayaan ku soo beegantay markii Lammaanihii Jarmalka ahaa lagu qafaashay Laas-qoray. Way ka soo noqdeen, oo haddiiba ay tegi lahaayeen waxay odhan lahaayeen waa meel nabadgelyadu aad u xun tahay. Markaa waxaanu ka shaqaynaynay sidii ay labadaasina (Sool iyo Sanaag) kaalinta saddexaad u soo geli lahaayeen.
S: Wasiir, go'aankan ay soo saareen Hay'adaha Qaramada Midoobay ma la qabaan Hay'adihii Caalamiga ahaa ee kale ee dalka ku sugnaa?
J: Maya, waxa gaadhay uun kuwa Qaramada Midoobay, balse Hay'adaha kale sidoodii bay u joogaan. Kuwa Qaramada Midoobay ayuun baana gaadhay, waayo iyagaa la duqeeyay. Tii ayuun baana keentay in ay arrintan horseed u noqdaan.
S: Wasiir, ma la odhan karaa Ciidamada amniga ee Hargeysa dhooban iyo baadhista socota ee aan ilaa hadda gebogeboobin oo Hay'adaha cabsi ku abuurtay ayaa keentay in kaalintan lagu riixo heerka Nabadda S/Land?
J: Maya, horta mid aan idiin sheego, marka ugu horraysay waxyaabaha ugu badan ee ay ku dhacdo nabadgelyo-darradu waa waxa loo yaqaano feejig-la'aanta nabadgelyada ama habacsanaanta-nabadgelyadu markay kugu dhacdo. Haddii la arko Waddan had iyo jeer feejigan oo haddii halkaa wax lagu sheego cid u diraysa, dadka Caalamku wuxuu ku qiyaasaa in feejignideeda-nabadgelyo ay fiican tahay oo taasi waxay u tahay wax saa'id ah. Waxan ordaya ee aad arkaysaan ee aad u haysataan in ay xun tahay markay Ajenibu arkaan, qolo nidaamkeedii nabadgelyadu u dhisan yahay oo feejig bay u arkaan. Haddaynu sidaas oo kale u feejignaano had iyo jeer wax inaga xumaanayaa ma jiro. Dadkeena waxaad u sheegtaan qoladiinan Warbaahintu, in feejignaantaasu ay tahay qodobada ugu wayn ee laga hadlo marka Waddan nabadgelyadiisa laga hadlayo, waana wax fiican. Imikana waynu feejigannahay, aadna imikadaa dadka joogaa way u jeclaysteen. Habacsanaan ayuun baa laga ilaaliyaa Nabadgelyada, haddii aad habacsan tahay Duqsi waliba wuu kuu soo dhacayaa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland