Sabti, November 22, 2008(HOL): Dagaallo goos goos ah oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu haatan ka socdaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Dagaalladan oo ka dhacaya qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan Isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo meel u dhow Sarihii Ceymiska oo Degmada Yaaqshiid ah iyo Isgoyska Florenza oo Degmada Wardhiigley ah ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Madaafiic iyo rasaas yar yar oo ay dhinacyada dagaallamaya isu adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa goobaha ay dagaallada ka socdaan, iyadoo dad ku sugan meelo ka fog goobaha ay dagaallada ka socdaanna ay cabsi ka muujinayaan in ay soo gaaraan madaafiic ama rasaas yar yar oo habow ah.
Dagaalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu la xiriiraa dagaal shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in dagaalkii shalay uu geystay dhimashada 7 caruur iyo dhaawac 9 kale, kuwaasi oo iyagoo Kubad ku ciyaarayay Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid uu madfac ku dul-habsaday.
Dagaalka oo weli socda ayaan ilaa iyo haatan la ogaan karin khasaaraha uu geystay, waxaase dhici karta in madaafiic iyo rasaas la isugu ridayo si aan loo meel dayin ay khasaare ba’an geysan karaan.
Ugu dambeyntiina, shalay oo ay bishan November ku beegmeyd 21 ayaa waxay ku beegneyd waqti loo qabtay Ciidamada Itoobiya in ay ka guuraan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan fariisimo ay ku leeyihiin Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga, hayeeshee ilaa iyo haatan ma jiraan wax Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho ka baxay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia