Sabti, November 22, 2008(HOL): Hay’adda Cuntada Adduunka WFP ayaa shaaca ka qaadya in ay dib u bilowday qeybinta raashin mucaawinada ah ee ay siin jirtay dadka ku dhibaateysan Soomaaliya kadib markii ay howlahaas u joojisay sababo la xiriira weerarro lagu qaaday shaqaalaheeda ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood toogasho lagu dilay.
WFP waxay qeybisay todobaadkii la soo dhaafay 522 tan oo raashin ah, kaasi oo ahaa 45% raashin ay dooneyso inay WFP qeybiso bishan, iyadoo raashinkaasna lagu bixin doono mashaariic kala duwan.
Howlihii samafalka ahaa ee ay WFP ka waday Soomaaliya waxaa joojiyay mowjado weerarro ah oo lagu qaaday shaqaalaheeda, kuwaasi oo labo ka mid ah la dilay bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda WFP ayaa lagu sheegay in WFP ay sii waddo qeybinta raashin mucaawino ah ee la siinayo dad kumaan kun ah oo ku dhibaateysan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna warbixintu intaas ku dartay in raashin loo qeybiyay dad soo barakacay oo gaaraya 400,000 oo ruux, kuwaasi oo ku sugan Degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.
Hay’adda WFP waxay intaas ku dartay in ay awoodo in ay sii kordhiso qorshayaasha ay raashinka ku qeybineyso bishan November, waxayna xustay in ay raashin gaarsiin doono Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Ha’yadda WFP ayaa waxay tahay hay’adda kaliya ee raashinka mucaawinada ah sida joogtada ah u keenta Soomaaliya, waxaana dadka raashinkaas ku nool ay yihiin kuwo aad u badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia