Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay maanta sanad ugu buuxsan tahay inta uu hayo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya

Cabirka Farta

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Sabti, November 22, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya loo doortay 22-kii November 2007 ayaa maanta waxay ugu buuxsan tahay muddo sanad ah inta uu xilka Ra’iisal Wasaarenimada hayo.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa tan iyo intii loo doortay Xilkan Ra’iisal Wasaarenimada waxaa sameeyay dhaqdhaqaaqyo uu wax uga bedelayo xaaladda dalka Soomaaliya, waxayna ahaayeen tallaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday in uu xabsi ka sii daayay Odayaal ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, sidoo kalena wuxuu wax ka qabtay dhibaatooyin ka taagnaa Suuqa Bakaaraha, wuxuuna ka shaqeeyay in Suuqa loo sameeyo Ciidamo u gaar ah.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sameeyay dhaqdhaqaaqyo dhinaca Dib u heshiisiinta ah, waxayna Xukuumaddiisa wada hadallo la bilowday mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo haatanba ka socda dalka Jibouti, iyadoo wada hadalladaasna la rajeynayo in ay ugu dambeynta ka soo baxaan wax xal u noqda mushkiladda Soomaaliya.

Maanta oo kale sanadkii hore markii la magacaabay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu jeediyay qudbad uu ku sheegay in Xukuumadda uu soo dhisayo ay ka shaqeyn doonto seddex arrimood oo kala ah: Nabadeynta dalka, Dib u heshiisiinta iyo fududeynta gargaarka bani’aadannimada.

Inkastoo mudada sanadka ah ee uu magacaaban yahay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde aysan xaaladda dalka wax sidaas ah iska bedelin, hadana dad badan ayaa waxay qabaan in uu Ra’iisal Wasaarahan bilaabay hab cusub oo ay Dowladda Federaalka  ku wajaheyso in ay ku xaliso mushkiladaha ka jira dalka, inkastoo ay jiraan caqabado ku hor-gudban oo ay ka mid yihiin in ay ka dhaqaaqi la’ dahay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo mar kasta mooshinno la daba taagan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo sidoo kalena ay jiraan khilaafaadyo u dhaxeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kuwaasi oo dabcan salka ku haya awoodaha ay labadaas mas’uul kala leeyihiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayay Ra’iisal Wasaarenimadiisa sanad jirsaneysaa iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay soo xoogeysanayaan Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia