Golaha Aqoonyahanada Gobalka Hiiraan oo sheegay in Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay xalistaan khilaafka soo kala dhaxgalay.

Cabirka Farta

Sabti, November 22, 2008(HOL): Golaha Aqoonyahannada Goballka Hiiraan ayaa hadal Qoraal ah oo ay ka soo saareen khilaafka meesha sare gaaray ee u dhaxeeya Madax-weynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo R/iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa ay ku sheegeen in khilaafkaasi ugu danbeytii u baahan doono in ay xaliyaan isla labada Mas'uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka ee hada muranku u dhaxeeya.
 
Goluhu waxaa uu arintaa sabab uga dhigay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo baahnaa in uu xal kama danbeys ah ka gaaro marka ay soo baxaan caqabadahan oo kale in uu noqday mid la kala safta aratgiyada iyo figradaha kala durugsan ee u dhaxeeya Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda, Tusaale ahaan dhawaan markii uu Madaxweynuhu ka hadlayay khilaafka soo kala dhaxgalay isaga iyo R/iisul Wasaarihiisa waxaa la fadhiyay oo mar marka qaar xitaa Sacab iyo Sawax farxadeed ku ayidayay xubno ka tirsan Baalamaanka, halka  sidoo kale qado sharaf uu sameeyay R/iisul Wasaaraha ay ka qeyb-galeen in badan oo ka tirsan Xubnaha Golaha Baarlamaanka kuwaa la dhacsanaa aragtida R/iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa lagu sheegay Qoraalka ay soo saareen Golaha Aqoonyanahada Gobalka Hiiraan.
 
"Marka is qab qabsigan oo kale uu soo baxo waxaa loo baahan yahay in dib loogu laabto Tastuurka iyo Sharciga u yaala Dowladda oo ah kan wax kala xadeeya, laakiin waxaa nasiib daro ah in Sharciga laftirkiisa Xubnaha Dowladdu u aqriyaan sida ay iyagu jecel yihiin ayaa lagu yiri Qoraalka oo dhinaca kale looga codsaday beesha Caalamka gaar ahaan Urur Gobaleedka IGAD in ay  xaalka soo fara galiyaan meelna iska dhigaaan hajabaadaha loo kala dirayo Mas'uuliyiinta Dowladda.
 
Madax-weyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo R/iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayuu khilaafkoodu soo ifbaxay kadib markii Madax-weynuhu uu ku gacan seyray Xukuumad cusub oo uu soo dhisay R/iisul Wasaaraha, isaga oo sheegay Madax-weyne C/laahi Yuusuf in Xubnaha ku jira Xukuumada cusub aysan aheyn kuwo buuxin kara Sharuudihii loo baahnaa.
 
Lakiin R/iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in diidmada Madax-weyuhu ku saleysan tahay rabitaan la xiriira in dib loo soo celiyo Wasiiro horey isaga casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia