Hay’adda Muslim Aid oo Deeq Dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland

Cabirka Farta

Sabti, November 22, 2008(HOL): Hay’adda Muslim Aid ayaa maanta  deeq Dawo ah guddoonsiiyay Wasaaradda Caafimaadka DGPL ,taasi oo loogu talagalay dhamaaan xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalooyinka kala duwan ee Puntland.

Dawadaan ayaa ahayd 107 kartoon oo loogu tala galay in wax lagaga qabto xaaladaha Caafimaad darro ee ka jira xeryaha Qaxootiyada ee Puntland, si aysan u dhicin masiibooyin dhanka caafimaadka ah.

Waxaa daawadaan markii la keenay Isbitaalka Boosaaso la wareegay Agaasimaha waaxda Maamulka   ee wasaaradda caafimaadka ee Puntland, iyadoo goob joog  ay ahaayeen saraakiil ka socotay hay’adda Muslim Aid.

Xiriiriyaha  Hayada Muslim Aid ee Gobolada Puntland   Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in  hay’adda Muslim Aid ay mar walba u taagan tahay wax ka qabashada arimaha Bulshada, isagoo ka codsaday wasaaradda Caafimaadka in daawada la gaarsiiyo dhamaan degmooyinka kale ee Puntland.

Agaasimaha Waaxda maamulka Wasaaradda caafimaadka  Xasan Shire ayaa isna hay’adda Muslim Aid uga mahad celiyaha doorka ay ka ciyaarsayo arrimaha caawinta Dadka Puntland.

Waxaa lagu xasuustaa Hay’adda Muslim Aid in ay waxyaabo badan ka qabatay arrimaha Waxbarasho ee Puntland iyo waliba tan Caafimaad, iyadoo inta badan ka hawlgasha  meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia