Sabti, November 22, 2008(HOL): Xoogag Islaamiyiin ah ayaa tegay Degmada Xarar-dheere si ay halkaas uga ugaarsadaan Kooxo Burcad Badeed ah oo la sheegayo in ay halkaas la soo galeen Markab Sacuudiga laga leeyahay oo shidaal aad u badan uu ku raran yahay.
Markabka Sirius Star oo uu ku raran yahay Shidaal dhan 2 Milyan oo Fuusto, isla markaana ay saaran yihiin 25 Shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Philippine, Saudi Arabia, Croatia, Poland iyo Britain ayaa la sheegayaa in ay kooxaha Burcad Badeedka ah la aadeen Xeebta Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.
Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Degmada Xarar-dheere ayaa sheegay in Xoogagga Islaamiyiinta ah ee tegay Xarar-dheere ay ahaayeen kuwo si deg deg ah u rabay in ay ogaadaan halka uu ku sugan yahay Markabka Sirius Star oo Sabtidii hore laga soo qabtay meel 480 Mile u jirta Xeebaha Soomaaliya.
Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo ah Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ay dembi tahay in la af-duubto markab uu leeyahay dal Islaam ah sida Sacuudiga oo kale, “Sacuudiga waa Dal Muslim ah, af-duubashada Markab laga leeyahayna waxaa uu ka dembi badan yahay af-duubashada maraakiibta kale”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in Degmada Xarardheere ay hoos-timaado Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay wax ka qaban doonaan arrimaha Markabka Sirius Star.
Xiligii uu jiray Maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee lixda bilood ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay Ciidamadii Maxkamadaha ku guuleysteen in ay tallaabo ka qaadaan Kooxo Burcad Badeed ah oo qafaashay Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliya, waxaana 8 ka mid ah Burcad Badeedkaas oo la soo qabtay lagu xiray Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho, inkastoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn wixii ay arrintooda ku dambeysay 8daas nin ee Burcadda ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia