![]() |
| Macalin Xasan Faarax Maxamed (Macallin John) |
Sidoo kale Black History Month, ayaa waxaa looga dabaaldagayay dhamaan dhulka dalka Ingriiska inkabadan 30-kii sano ee la soo dhaafay, xuskan ayaa sanadba sanadka ka danbeeya uu sii xoogaysanayay. Black History Month, ayaa wuxuu u qaas yahay dadka jinsiyadoodu madowga ka soo jeedo, taas oo lagu soo bandhigo wax qabadkoodii iyo sumcada ay ku leeyihiin bulshadda guud iyo gaar ahaan degaanadooda ama shaqadooda, taas oo ah mid ka qarsoon oo aynan ogaan karin dadka jinsiyadaha kale leh.
Akaademiyada ku taala Woqooyi-bari London ee loo yaqaan Capital City Academy kuna taala xaafada Willesden, ayaa waxaa lagu gudoonsiiyey bilad howlkarnimo, Macalin Xassan Faarax, oo loo yaqaan (Macalin John) loona gartay in uu yahay halyeeyga sanadka 2008 loo gartay Black History Month 2008, Capital City Academy.
Xafladii gudoonsiinta oo ahayd mid ay goob jog ka ahaayeen dhamaan maamulka, ardayda macalimiinta iyo shaqaalaha akaadeemiyada, ayaa waxay ahayd mid aanu horey u ogayn macalin John, kedisna ku noqotay.
Waxaa si kooban uga sheekeeyay waxqabadkii 12-kii sano ee ugu dambaysey uu dugsiga ka geystay iyo sida uu u taakuleeyo ardayda iyo macalimiinta mid ka mid ah ardayda galaaska 13-aad ama (6 form). Oo akhrinayay qoraal dheer oo macalin John laga soo diyaariyay.
Macalin Xasan oo todobadii sanadood ee ugu danbeeyay ka mid ahaa guddiga maamulka dugsiga (School governor). Markii la gudoonsiiyey astaantan aqoonsi ee hawlkarnimo, qiimayn iyo qaderin kadib, waxuu macalin Xasan ku soo koobay hadalkiisii mahad celin, isagoo amaanay mahadna u celiyey macalimiinta iyo ardayda dugsiga iyo waalidkooda.
Dugsiga Capital City Academy, ayay dhigtaan arday Soomaaliyeed oo tiradoodu sare u dhaaftay 130 arday oo da’doodu u dhexeeyso 11 ilaa 19 jir, oo uu inta badan macalin John ka caawino xaga wax barashada maadiga ah iyo tan Sports-ka ba.
Macalin Xasan Faarax Maxamed oo loo yaqaan (Macallin John), waa rug cadaa ka soo adeegay dalkii Soomaaliya isagoo macalin hore uga soo noqday dugsiyadda ay ka mid ahaayeen dugsigii Hoose dhexe Dhagax Tuur ee ku yaalay xaafadda Hodan, Jamaal Cabdi Naasir, Dugsiga Sare ee Banaadir, Dugsigii sare ee Saqaawadiin, Machadka Isboortiga Soomaliyeed iyo Kulliyadda wax barashadda Lafoole.
![]() |
| Nooca Abaal-marinta la guddoonsiiyay |
Kooxihii uu u saftay ayaa ay ka mid ahaayeen Magaalada Marka, kooxdii Wershedda Caanaha, Madbacadda Qaranka.
Tababare-na u noqday Gobolka Banaadir, kooxdii Madbacadda, Wershedda Sigaarka, Somalita, Muqdisho, W G U (ENC), kana gaaray ilaa heer Qaran iyo mas’uul ka tirsanaa qaybtii maamulka ciyaaraha dugsiyadda gobolka Banaadir iyo Soomaaliya.
Macali John oo aan oran karo weli dadaalkiisii ma ahan mid ku ekaa dalkeenii Soomaaliyeed wuxuu weli gacan ka gaystaa abaabulka iyo isku xirka bahdii Kubadda Kolayga sidii mar kale loo heli lahaa sumcadii iyo darajadii ay horay uga gaareen Kubadda Kolayga Soomaaliyeed.
Wuxuu hada ka mid yahay bahda kubadda kolayga ee ku midoowday ururka SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation) oo bishii Augusto ee la soo dhaafay ku qabtay cayaarihii xiisaha lahaa ee Kubadda Kolayga magaalada LONDON oo ay ka soo qayb galeen dhalin yaro Soomaaliyeed oo aad u tiro badan, oo ka kala yimid wadamada America, Canada, Switzerland, London iyo Cardiff, oo ay hogaaminayeen halyeeyadii hore ee Kubadda Kolayga dalkeeni caanka ka ahaa.
Macalin John, ma jeclayn in si gaar ah loo amaano, balse mar aan waydiinay bilad sharaftan la siiyay waxa uu ku mutaystay ayuu noo sheegay in uu yahay adeege daacad ah, wax walba uu qabtana u qabto Alle dartiis iyo haduu abaal marin helayana ku talo galo in Alle uu yahay midka ugu abaal marinta fiican oo abaal laga sugo.
Daacadna u ah cid Alla iyo cidii uu la shaqeeyo jecelna ummadiisa iyo aadaminimada, amaantana uu ka doorbidayo Duco.
Hadaba bahda war-sidaha kubadda.com, dhamaan bahda Isboortiga Soomaaliyeed, qaasatan kuwa ku suga UK – London, bahda kubadda kolayga ee ururka SSIFO waxay ugu hambalyaynaysaa macalin Xasan Faarax (Macalin John) dadaalka iyo kartida uu ka dhex muujiyay boqolaalka macalin ee ka shaqeeya Iskoolka Woqooyi-bari London ee loo yaqaan Capital City Academy ee uu ka noqday bar tilmaameed loo aqoonsaday halyeeygii sanadka. Waxaan leenahay abaal marintaas waa mid ay ku faani karaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed, waxaadna u tahay dadkaada ROLE MODEL ku dayasho mudan.
Waxaa Qoray:
Mohamed Sheikh Abdi (Weli)
Tafatiraha http://www.kubadda.com
.jpg)
