Axad, November 02, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in uu magaaladaas kulan xasaasi ah oo albaabada u xiran yihiin uu uga socdo Wafdigii uu hoggaaminayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Ilo ku dhow dhow mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku heysa Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in kulankaas uu u socdo Wafdigii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee shalay gaaray Magaalada Jowhar iyo mas’uuliyiin uu horkacayo Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ku xigeen u ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed marka laga hadlayo Midowga Maxkamadaha Islaamka.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegi karta waxyaabaha ay mas’uuliyiinta labada dhinac ka wada hadlayaa, marka laga reebo in la saadaalin karo in ay isla jeex-jeexayaan sidii gudaha Soomaaliya looga dhaqangelin lahaa Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo ay qodobadiisa ugu muhiimsan yihiin in xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.
Waxaa la eegayaa waxa ka soo baxa kulanka u socda Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta ee uu hoggaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdiga kale ee ka tegay Magaalada Muqdisho ee uu hoggaaminayo Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo aan isugu marna dalka ka bixin tan iyo intii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen.
Dhanka kalena, waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in wafdi Culumaa’udiin ah ay iyana ku sii jeedaan Magaalada Jowhar, kuwaasi oo la filayo in ay kulamo la qaataan Wafdiga Isbaheysiga. Wafdigan Culumaa’udiinka ah ayaa waxaa ku jira xubno dhawaan ku dhawaaqay in ay qabanayaan shir lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada ay u kala jabeen Maxkamadihii Islaamka.
Wixii ka soo baxa Kulamadaas kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia