Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in maamul Islaami ah loo sameynayo Gobolka Shabeelaha Hoose

Cabirka Farta

Axad, November 02, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo maanta meel fagaare ah kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu sheegay in Gobolkaas laga dhisi doono maamul Islaami ah.

“Maamul aan Islaami ahayn lagama dhisi doono halkan, ciddii isku daydana waan la dagaallami doonnaa”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo ay u ahayd markii ugu horeysya oo uu muddo labo sanadood ah dadka Marka ugu qudbeeyo meel fagaare ah.

Shiikh Yuusuf Indha-cadde waxaa uu ka hadlay socdaalkii uu shalay Shiikh Shariif ku tegay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna sheegay in sida uu u yiri Shariifka uu wato Dastuur la soo dhoo-dhoobay oo uu kula biirayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waad maqleyseen in uu lahaa waxaa la isku darayaa Xoogagga Muqaawamada iyo Ciidamada Marya-calasta ah ee qolada TFG-da, waxaan hubaa in aaney mujaahidiint xero la geli doonin Ciidamada qoladaas, waxaana u dhaxeysa xabad”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-cadde.

“Waan la dagaallameynaa cid kasta oo aanan wax ku xukumeynin Kitaabka Allaah. Annaga C/llaahi Yuusuf kulama dagaalin, Kursi, Lacag iyo Qabiil ee waxaan kula dagaalsannahayna waa in Kitaabka Alle lagu xukumo dalka, taasi oo uu ka soo horjeedo”ayuuna hadalkiisa ku sii daray Shiikh Yuusuf Indha-cadde.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Yuusuf waxaa uu ka hadlay dilal dhawaan magaalada Marka loogu geystay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo kala ahaa Taliye ku xigeenkii Booliska Nuuriye Cali Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenkii gobolka ee dhinaca Ammaanka Maxamed Maxamuud Cilmi oo labadaba sababsaday qarax miino oo lala eegtay gaari ay wada saarnaayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia