Axad, November 02, 2008(HOL): Xubno ka tirsan Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka soo horjeestay heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh C/raxmaan Xasan Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in uu ka soo horjeedo heshiiskaas, wuxuuna sheegay in uusan ka dhaqangeli karin gudaha Dalka Soomaaliya.
Shiikh C/raxmaan waxaa uu si gaar ah uga soo horjeestay qodob heshiiskaas ku jira oo ah in Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Amisom iyo kuwa Muqaawamada ay wada sugaan ammaanka goobaha ay ka baxaan Ciidamada Itoobiyaanka.
“Suurtagal ma ahan in la isku daro Xoogagga Muqaawamada iyo Ciidamada qolada la baxday Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom, taasina cid kasta ayaa garan karta waayo Ciidamadan iyo Xoogagga Muqaawamada waxaa ka dhaxeeyay dagaal”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Xasan Xuseen oo sheegay in soo dhaweyntii Shiikh Shariif ee Gobolka Shabeelaha Dhexe uu kali ku ahaa Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Daahir Caddow Calasow.
Sidoo kalena, Xoghayaha guud ee Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Aadan Axmed Xeefow ayaa isna wuxuu ka soo horjeestay barnaamijka uu wado Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ah in wada hadal xal lagu raadiyo, isla markaana laga hortago in ay dhacaan dagaallo kale oo ay dhibaato ka soo gaarto shacabka Soomaaliyeed.
Hadallada ay jeediyeen mas’uuliyiintan ka tirsan maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxya ku soo beegmayaan iyadoo xalay ay magaalada Jowhar ku hoydeen Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu horkacayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo shalay iyo xalay kulamo la lahaa mas’uuliyiinta maxkamadaha Islaamka ee Gobolka iyo weliba Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Magaalada Jowhar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia