
Axad, November 02, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo Wasaaradda Isboortiga Puntland oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay iskula garteen in ay wada shaqeeyaan horumarinta Isboortiga Soomaaliya min Gobol, Degmo ilaa Tuulo.
Xaflad qado ahayd oo uu Guddiga Olombikada Soomaaliyeed u sameeyay Wasiirka Isboortiga Puntland C/nuur Cilmi ayaa waxay labada dhinac uga heshiiyeen mad-madow ku kala dhex jiray, waxayna wada guddoonsadeen in ay ka shaqeeyaan sidii Isboortiga Soomaaliya horumar loo gaarsiin lahaa.
![]() |
| Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) |
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu booqashooyin ku kala bixiyay deegaanno ka tirsan Puntland, isla markaana ay madaxda Puntland isla garteen in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu horumariyo Isboortiga Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan kan Puntland, isagoo xusay in Puntland ay ka dhigteen zone-ka koowaad ee horumarinta Isboortiga, halka zone-ka labaadna ay ka dhigteen Gobollada Bay iyo Bakool oo intuba ay wakiillo u joogaan.
Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sii hadlayay waxa uu sheegay in howshii uu maamulka Puntland ka sugayay aysan u qaban sidii laga filayay, wuxuuna taasi sabab uga dhigay xaaladda cakiran ee uu dalka galay, inkastoo uu sheegay in ay howshaas haatan sii amba qaadayaan.
![]() |
| Wasiirka Isboortiga Puntland C/nuur Cilmi |
“Annaga Soomaali-doon ayaan nahay, cid kasta oo Soomaalinimo iyo in wax la wada qabsado dooneysana diyaar baan u nahay in aan wax la qabsanno”ayuu yiri Wasiirka Isboortiga Puntland C/nuur Cilmi oo carrabka ku dhuftay in ay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ka heshiiyeen mad-madow ku kala dhex jiray.
Wasiirka Isboortiga Puntland oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in heshiiska dhexmaray Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Isboortiga Puntland ay marqaati ka yihiin xubno ka socday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna rajeeyay in haatan wixii ka dambeeya uu hagaagsanaan doono Xiriirka ka dhaxeeya Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) iyo Wasaaradda Isboortiga Puntland.
Kulankaas waxaa ka qeybgalay Saciid Qoor-sheel oo ka socday Guddiga KMG ah ee Gobolka Banaadir, Xuseen Xaashi Xasan oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo C/risaaq Cali Yuusuf Bah-laawi oo ka socday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

