Axad, November 02, 2008(HOL): Maamulka DGPL ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar sheegaya in ay Ciidamada PISta dileen Wadaad lagu magacaabo Sh Maxamed Ismaaciil, kaasi oo loo qabtay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Wasiirka Ganacsiga DGPL C/Samad Yuusuf Abwaan oo shir jaraa’id oo uu aerimahaasi kaga jawaabaya ku qabtay Hotelka Panorama ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Wadaadka caafimaadkiisu uu yahay mid aad u wanaagsan.
Waxaa kaloo uu sheegay in Wadaadka uu la joogo dhakhtar khaas u ah daweyntiisa, isagoo ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo halka lagu xiray Wadaadka oo maalintii seddexaad gacanta ugu jira Ciidamada PISta Puntland.
Sidoo kale maalmihiii ugu dambeysay waxaa iska soo daba dhacayay warar sheegayay in Shiikhakani gacanta loo galiyay Dowladda Mareykanka waxaana uu Wasiirka arrimahaasi ku tilmaamay kuwo aaney waxba ka jirin oo ay saxaafadda buun-buunisay.
Su’aalihii ay saxaafaddu waydiisay Wasiirka waxaa ka mid ahaa dembiga loo haysto Wadaadka, waxaana uu sheegay in lagu tuhmay in uu wax ka ogyahay qaraxyadii labada ahaa ee ka dhacay ee magaalada Boosaaso hadalka ka soo yeeray maamulka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaaa xilli Shacabka ay is-weydiinayaan halka lagu xiray Wadaadka.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia