Axad, November 02, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay fikrado kala duwan ka bixiyeen booqashadii uu Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ku tegay Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo qaati-ka-jooga dagaallada iyo nolol xumida ka dhalatay sicir-bararka ayaa waxay u kala jiraan kuwo soo dhaweynaya booqashada Shiikh Shariif ee Jowhar iyo weliba barnaamijka uu wado ee xalka lagu raadinayo wada hadalka, halka ay jiraan kuwo kale oo ka soo horjeeda.
Inta badan dadkii aan la kulannay ee aan weydiinay sida ay u arkayaan hadalkii uu shalay jeediyay Shiikh Shariif markii uu Jowhar ka degay ee ahaa in heshiiskii Jibouti uu keenayo in ay Ciidamada Itoobiyaanka Soomaaliya ka baxaan iyadoo aaney dad kale ku dhiman ayaa waxay sheegayaan in uu hadalkaas yahay mid la soo dhaweeyo, hayeeshee sida ay yiraahdeen loo baahan yahay in la arko heshiiskaas oo shaqeynaya iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo dalka ka baxaya.
Laakin kuwo kale oo kuwaas ka soo horjeeda ayaa waxay qabaan in heshiiskaas uu yahay mid aan xal u ahayn Soomaaliya, Itoobiyana aysan wada hadal dalka uga baxeynin in dagaal looga saaro mooyee, waxayna dadkani ku eedeynayaan Shiikh Shariif in uu doonayo in uu wax la qeybsado Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Iyadoo ay dadka sidaas ugu kala qeybsan yihiin heshiiskii Jibouti iyo hadalkii Shiikh Shariif ayaa hadana waxaa socda dadaallo ay wadaan xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee shalay dalka ku soo noqday, kuwaasi oo qaarkood laga soo xigtay in ay doonayaan in ay la hadlaan cid kasta oo uu mugdi kaga jiro Heshiiska Jibouti.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay maxkamadaha Islaamka ka baxeen deegaannadii ay ka talinayeen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isla markaana ay dalka soo galeen Ciidamada Itoobiya waxay wehel u noqdeen dagaallo aan dhammaad lahayn oo khasaarooyin kala duwan ay ka soo gaaraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia