COL. CUMAR XAASHI: “Marka la isu yimaado oo la wada hadlo waxaa ay arrintu noqoneysaa in la is-fahmo”

Cabirka Farta

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, Col. Cumar Xaashi Aadan
Axad, November 02, 2008(HOL): Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa shaaca ka qaaday in meesha ay wax u wadaan iyo meesha ay wax u wadaan Hoggaanka Muqaawamada ee ku sugan gudaha dalka ay isku mid yihiin, ayna tahay in dadka iyo dalka la badbaadiyo.

Col. Cumar Xaashi Aadan waxaa uu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ay kula kulmeen ay u sharaxeen qaabka ay u doonayaan in dalka mushkiladda looga saaro, wuxuuna caddeeyay in ay isla qaateen qaabkaas.

“Inta la kala maqan yahay oo meelo kala duwan lagu sugan yahay waxaa laga yaabaa in qofba uu fikir qabo, laakin marka la isku yimaado oo la wada hadlo arrintu waxay noqon doontaa in la is-fahmo”ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan.

Halkan ka dhegeyso Wareysi ay Idaacadda
Horn Afrik la yeelatay Cumar Xaashi Aadan

Col. Cumar Xaashi oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa wax laga weydiiyay in heshiiska ay soo galeen iyo qaabka ay wax u wadaan ay ka soo horjeesteen Shiikh Yuusuf Indha-cadde iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, wuxuuna sheegay in Raggaas iyo iyaguba ay Muqaawamo wada yihiin, ayna ka wada duulayaan qadiyad ah in dalka lagu xoreeyo, dhibaatada dadka heysatana xal loogu helo.

“Barnaamijka aan wadno ma ahan mid qudbo sireed ah oo laa-laab ah, waana mid cad, waxaana rajeyneynayaa oo aan kalsooni weyn ku qabaa in marka aan wada hadalno in ay wax nala fahmi doonaan”ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in haddii cid keento wax ka fiican waxa ay iyaga wadaan oo ah in dalka lagu xoreeyo ay soo dhaweynayaan.

Ugu dambeyntiina, Col. Cumar Xaashi waxaa uu ku qoslay waxa uu ka ogyahay in Xukuumad uu dhawaan soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde lagu soo darayo xubno mucaaradka ka tirsan, wuxuuna ku gaabsaday in uusan ogeyn arrintaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia