![]() |
| Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhex dagaallamaya Hotelka Grand Regency ee Nairobi 17-kii Maarso 2005 (Sawir la yaab leh) |
Grand Regency Hotel waa Hotel Xusuus u leh Baarlamaanka Soomaaliya, waana midkii ay Kuraasta iyo Bakooradaha iskula dhaceen 17-kii Maarso 2005, xiligaas oo ay isku hayeen “Ciidamo ka socda dalalka safka hore hala keeno Soomaaliya iyo la keeni-maayo”.
Kulankaas qadada ah oo uu ka qeybgalay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo aan ahayn Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa Mudanayaasha Baarlamaanka loogu sheegay in ay dhamaatay howshii Baarlamaanka uu u tegay Kenya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay Xildhibaanada isu diyaariyaan in ay ku noqdaan Dalka Soomaaliya.
Hadalkaas waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in maalinta Talaadada ah ee soo socota ay Xildhibaanada isu diyaariyaan in ay ku noqdaan Dalka Soomaaliya.
Xildhibaannada Baarlamaanka oo laga kala qaaday markii ay Nairobi tegayeen Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaan la ogeyn in ay dib ugu soo noqon doonaan Magaalooyinkaas oo amni darro ka jirta aawadeed ay ka taagneyd yaa mar uun isaga saara.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u harsan tahay muddo sanad ka yar ayaa waxaa looga fadhiyaa in uu go’aanno adag ka qaato Xaaladda uu dalka ku sugan yahay haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Ammaanka iyo Siyaasadda, waxaana Baarlamaanka u jeediyay baaqyo arrintaas ku saabsan Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD oo Nairobi ku casuuntay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Talaadada soo socota, iyo wixii ka dambeeya ayaa la eegi doonaa bal in ay Xildhibaanada dib u soo wada noqdaan iyo qaarkood ay Nairobi ku soo haraan amaba kuwo heysta Jinsiyado dalal kale ay guryo noqdaan, bacdamaa uu sii dhamaanayo Waqtiga u haray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
