![]() |
![]() |
| Ibraahim Buruko | Cumar Anyeello |
Cumar Anyeello ayaa geeriyooday kadib markii gaari uu watay uu gadaasha kaga soo dhacay Gaari kale, kadibna uu dhowr jeer iska dul-booday gaarigii uu watay, halka Ibraahim Buruko uu isna geeriyooday kadib markii gaari uu watay ay isku dhaceen gaari kale oo Bus ah. Labada marxuumba waxay ku geeriyoodeen Isbitaallo loo geeyay in lagu daweeyo.
![]() |
| Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish |
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ku hadlayay magaca Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay taariikhda labadaas marxuum, wuxuuna caddeeyay in Ibraahim Buruko oo soo ahaa Tababaraha Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya uu sidoo kale ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya halka Cumar Anyeello oo u ciyaari jiray Kooxdii Kubadda Kolayga Dowladda Hoose-na uu xusay in uu soo noqday Tababaraha Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya.
“Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Kubadda Kolayga waxaa ka baxay rag qaali ku ahaa oo kaalin weyn ka soo ciyaaray horumarinta Isboortiga Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Kubadda Kolayga Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Cumar Anyeello uu ka hor intii uusan dhiman uu isu diyaarinayay ka qeybgalka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya ee ciyaaro heer caalami ah”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo intaas ku daray in Cumar Anyeello ay isugu dambeysay Bishii August 2008, xiligaas oo ay isku arkeen Magaalada Beijin ee Dalka China, halkaasi oo ay ka dhaceen tartamadii kala duwanaa ee ciyaaraha olombikada Adduunka.
Ibraahim Buruko ayuu sheegay in uu Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya uu soo ahaa Sanadihii 1983-kii ilaa 1988-kii, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyayna sheegay in uu ka tirsanaa Mas’uuliyiinta Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.
“Raggaas ka tirsanaa Isboortiga Soomaaliya ee geeriyooday waxay ahaayeen kuwo is iskood ah ugu taagnaa horumarinta Isboortiga Soomaaliya, waayo waxaan xusuusanahay in Cumar Anyeello markii aan Beijin isku arkeynay uu noo sheegay in uu iskiis u go’aansaday in uu tago magaalada Beijin, uuna arko madaxda iyo ciyaartoyda ka socota Dalka Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Ugu dambeyntiina Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu sheegay in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo isku duuban uu tacsi u dirayo Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii ay marxuumiintaas ka geeriyoodeen, wuxuuna Allaah uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.



Tacsi loo dirayo Ehellada Marxuumiinta
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia


