Ra’iisal Nuur Cadde iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2008(HOL): Waxaa maanta kulankii ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacayGuriga uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhinaca Dowladda Federaalka ku wehlinayay Ra’iisal Wasaaraha ku xigeennadiisa kala ah Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo Cabdalla Boos Axmed, halka dhinaca Isbaheysigana ay Shiikh Shariif kulanka ku wehlinayeen Xogahayaha ArrimahaGudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan, Xoghayaha guud ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh C/raxmaan Jinaqow iyo xubno kale oo Isbaheysiga ka tirsan.

Lama oga ilaa iyo haatan waxa uu kulanka labada dhinac ku saabsanaa, wuxuuse ku soo beegmay iyadoo dabayaaqadii todobaadkii hore ay Muqdisho ku soo noqdeen Wufuud ay kala hoggaaminayeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Hayeeshee marka uu kulankan soo dhamaado ayaa la filayaa in ay mas’uuliyiinta labada dhinac ka war bixiyaan waxyaabihii ay ka wada hadleen, inkastoo la sii saadaalin karo in ay dhihi doonaan waxaan ka wada hadalnay meel-marinta Heshiiskii Jibouti.

Kulankan wuxuu muhiimad gaar ah u lahaa Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo heshiis awood qeybsi ah la saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo heshiiska ka hor col la ahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkan kala  soco wixii kulankaas ka soo baxa haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia